11:32 am - Friday June 23, 2017

Samuel Eto’o Oo Marki Afraad Ka Qayb gelaya Koobka Adduunka

Aidarous
Samuel Eto’o Oo Markii Afraad Ka Qayb gelaya Koobka Adduunka

Halyeyga madow ee xulka qaranka Cameroon, Samuel Eto’o ayaa markiisii afraad ka qayb geli doona koobka adduunka, kadib markii lagu daray ciyaartooyada xulka dalkiisa ee u baqooli doona wadanka Brazil oo lagu qabanayo ciyaaraha koobka adduunka ee sannadkan 2014.

Weeraryahanka Chelsea ayaa markiisii ugu horreeyey ee uu koobka adduunka uga qayb galo wadankiisa waxay ahayd sannadkii 1998-kii, waxa uu wacdaro dhigay oo ku xigay sannadkii 2002 iyo 2010.

Eto’o oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa waxa uu la sinmayaa laacibiintii hore ee xulka Cameroon ee Rigobert Song iyo Jacques Songo’o kuwaas oo hore u haystay rikodhka ciyaartooyada ugu safashada badan koobka adduunka ee dalkooda.

Eto’o ayaa sannadkii hore ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, laakiin go’aankaas wuu ka noqday wuxuuna ku rajo weyn yahay inuu la mid noqdo halyeygii dalkiisa ee Roger Milla oo koobka adduunka dalkiisa u dhaliyey 5 gool saddex koob adduun oo uu ka qayb galay, halka Samuel Eto’o uu dhaliyey laba gool oo kaliya.

Waxa xulka Cameroon ka m aqan Jacques Zoua oo u ciyaara kooxda Hamburg kaas oo dhaawac haleelay dartii aanay u suurto geli doonin inuu ka qayb galo koobka adduunka, waxana booska uu banneeyey ka faa’iidaystay 21 jirka u ciyaara Lens ee Edgar Salli oo khadka dhexe ku wehelin doona Jean Makoun, Stephane Mbia iyo Alex Song.

Cameroon waxay kulanka u horreeya ee koobka adduunka la ciyaari doonaa xulka Mexico 13-ka bisha June oo ay innaga xigto muddo bil ah, kadib waxay ciddiyaha isula tegi doonaan Croatia iyo Brazil oo ay ku wada jiraan Group A.

Liiska xulka oo dhamina waa sidan:

Goolhayeyaal: Loic Feudjou (Coton Sport), Charles Itandje (Konyaspor), Sammy N’Djock (Fethiyespor), Guy N’dy Assembe (Guingamp).

Difaac: Benoit Assou-Ekotto (QPR), Henri Bedimo (Lyon), Gaetan Bong (Olympiacos), Aurelien Chedjou (Galatasaray), Cedric Djeugou (Coton Sport), Jean-Armel Kana-Biyik (Rennes), Nicolas N’Koulou (Marseille), Dany Nounkeu (Besiktas), Allan Nyom (Granada).

Khadka dhexe: Eyong Enoh (Antalyaspor), Raoul Loe (Osasuna), Jean Makoun (Rennes), Joel Matip (Schalke), Stephane Mbia (Sevila), Landry N’Guemo (Bordeaux), Edgar Salli (Lens), Alex Song (Barcelona).

Weerarka: Vincent Aboubakar (Lorient), Maxim Choupo-Moting (Mainz), Samuel Eto’o (Chelsea), Mohammadou Idrissou (Kaiserslautern), Benjamin Moukandjo Nancy), Fabrice Olinga (Zulte Waregem), Pierre Webo (Fenerbahce).

Ciyaartooyada heeganka ku jira ee beddelaya cidi dhaawacanto ka hor bilowga koobka adduunka:

Frank Bagnack (Barcelona), Zock Bep (Cosmos de Bafia).

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Feghouli & Taider Oo Hogaaminaya Xulka Qaranka Algeria Ee Koobka Aduunka Oo La Soo Saaray

Xulka Wadanka Ghana

Afrika Ma Is Muujin Doontaa: Xulka Ghana Oo Soo Urursaday Qamaamuurtiisii

Related posts
Trackbacks/Pingbacks
  1. Eto'o: Mourinho Doqoniimo Ayaa Ka Keentay Eto’o Waa Duq : Cadalool - 15/05/2014

    […] Samuel Eto’o ayaa ku tilmaamay Tababare  Jose Mourinho  inay doqoniimo ka keentay hadalkii uu horaantii sanadkan kaga hadlay da’da ciyaaryahanka reer Camaroon. […]

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: