Samuel Eto’o Oo Mugdi La Geliyey In Uu Ciyaari Doono Kulanka Croatia

Weeraryahanka xulka qaranka Cameroon ayaa la sheegay in ay suurtogal tahay in uu ka maqnaado kulanka Arbaca ee xulka dalkiisa, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta iyo tababaraha kooxdaasi.

Tababare Volker Finker ayaa u sheegay FIFA.com in weeraryahanka Samuel Eto’o laga yaabo in uu ka maqnaado kulanka Cameroon iyo Croatia oo maalinta Arbacada ay foodda is dari doonaan.

“Xanuun ayuu ka dareemayaa jilibka midigta oo uu mushkilad ka dareemayay illaa dhamaadkii xili-ciyaareedka kooxdiisa Chelsea.” Sidaa waxa yidhi tababare Finke, waxaanu sheegay in uu tababarkii kooxdiisa awoodi waayey in uu la sameeyo.

Maqnaanshaha Samuel Eto’o ayaa caqabad weyn ku noqon doonta xulka Cameroon oo kulankii ay la ciyaareen Mexico lagaga badiyey 1-0, waxaanay ciyaarta Arbacada iska hor iman doonaan Croatia.

Eto’o waxa uu ahaa ciyaaryahanka ugu magaca weyn tobankii sannadood ee ugu dambeeyey xulka dalka Cameroon, laakiin waxa muddooyinkan dambe laga dareemayaa hoos u dhac ku yimi qaab-ciyaareedkiisa.

Muddooyinkii dambe waxa soo baxayay khilaaf u dhexeeya Eto’o iyo xidhiidhka ciyaaraha ee Cameroon, waxaanu ciyaartooyada qarankiisa u jeediyey dhalleecayn ah in ay doonayaan inay dibedda uga tuuraan fursaddiisa qaranka. Intaas kadib waxa uu ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, hase yeeshee, wada hadal dhex maray xidhiidhka iyo Eto’o ayaa sabab u noqotay in uu ka mid noqdo xulka Cameroon ee koobka Adduunka ka qayb gelaya.

Haddii uu Eto’o maqnaado kulanka Croatia, waxa uu tababare Finke weerarka ka ciyaarsiin doonaa Vincent Aboubakar.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Diego Costa Oo Xaqiijiyey Inuu Ku Biiray Chelsea

Nigeria iyo Iran Oo Dhibcaha Qaybsaday Kulankii ugu Horeeyey ee Barbaro Ku Dhamaada K-Aduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com