cazorla

Laacibka khadka dhexe ee Arsenal ee Santi Cazorla ayaa lagu samayn doonaa qalliin jilibka ah, kaas oo uu muddo saddex bilood ah u jiifi doono.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Spain oo ay da’diisu tahay 31 jir, ayaan u ciyaarin Arsenal tan iyo badhtamihii bishii October, markaas oo uu gaadhay dhaawac ciyaar ka tirsanayn Champions League oo Arsenal ay 6-0 karbaashtay Ludogorets.

War-saxaafadeed ay soo saartay Arsenal, ayaa waxa lagu sheegay in dhaawacan oo la filayey in uu horumar ka sameeyo ay waxba iska beddeli waayeen, taas daraadeedna uu toddobaadka dambe u safri doono waddanka Sweden oo lagu qali doono.

Cazorla ayaa muddo toddoba bilood ah dhaawac jilibka ah kaga maqnaa kooxdiisa xili ciyaareedkii hore, laakiin xili ciyaareedkan ayuu u ciyaaray 11 kulan, waxaanu u dhaliyey laba gool.

Arsenal waxay sheegtay in qalliinku noqon doono jilibka lugta midig.