Sawiro : Bandhigii Toni Kroos ee Real Madrid iyo Numberka La Gudoonsiiyey Xidigan

Xidiga reer Germany Toni Kroos ayaa si rasmi ah u noqday ciyaaryahan Real Madrid ka tirsan kadib markii shallay garoonka Bernabeu uu ka dhacay bandhigii xiisaha lahaa ee ciyaaryahanku oo ay u soo daawasho tageen badi taageerayaasha kooxdu.

Kroos oo ay mustaqbalkiisa hadheeyeen muran badani, iyadoo naadigiisii hore ee Bayern Munich ku faro adaygaysay oo ay albaab kasta ka soo xidhay si aanu xidigani faraheeda si sahal ah uga bixin ayeey hadana qasab ku noqotay in ay suuqa dhigaan.

Gudoomiyaha kooxda Real Madrid ayaa garab taagnaa xiligii bandhiga ciyaaryahankani ka bilaabanayay garoonka naadigan caasimada ka dhisan, waxaana la gudoon siiyey Kroos funaanada numberka 8 oo uu u qaadan doono kooxda ka dhisan Bernabeu xilli ciyaareedka soo socda.

Real madrid ayaa la rumeysan yahay inay laacibkan ku bixisay kharash ku dhaw dhaw £24million, Isaguna wuxuu qalinka ku duugay heshiis ku haynaya Madrida lixda sanno ee soo socota.