(Sawiro) Roob Dhagaxyaale Ah Oo Hakad Galliyey Ciyaartii Xulalka Belgium Iyo Tunisia

Ciyaartii saaxiibtinimo ee dhex maraysay xulalka Belgium iyp Tunisia ayaa la hakiyey kadib markii roob dhagaxyaale ah oo xoog badan uu ka kala qaadi waayay magaaladii ciyaartu ka dhacaysay , ciyaaryahanadiina lagu qasbay inay ka baxsadaan oo garoonka ka dareeraan.

Xulka ay dad badani taageersan yihiin koobka aduunka ee Belgium ayaa mid kamid ah kulamada is diyaartinta ah ee kahor koobka aduunka kula ciyaarayay qaranka Tunisia garoonka King Baudoin stadium ee Brussels laakiin roob dabaylo xoogan wata oo dhagaxyo waaweyni la socdaan ayaa qasab ka dhigay in garoonka lagu kala dareero ilaa inta uu qaadayo, roobabkan oo ku dhuftay guud ahaan wadamada Bariga Yurub.

Roobkan ay ka daadanayeen dhagaxaan lagu qiyaasay inay laaleekaayeen kubada Golf-ta lagu ciyaaro ayaa kala caydhiyey ciyaaryahanadii labada xul , 24 miridh oo kaliya markii ciyaartu socotay , natiijaduna gool la’aan ahayd.
Kulanka ayaa dib loo bilaabay 40 daqiiqo kadib markii dhagaxyaalihii istaagay roobkiina qaaday , gudigii garoonka maamulaysayna u arkeen in dib loo ciyaari karo.

Xulka qaranka Tunisia ayaa ku guuldaraystay inuu u soo baxo koobka aduunka sanadkan , laakiin loogu dooray ciyaartan saaxiibtinimo sababta ah inay isku qabsan yihiin oo woqooyiga Afrika wada yaalaan, xulka Algeria oo ay Belgium isku Group ku jiraan.

Algeria iyo Belgium ayaana fooda isku dari doona ciyaarta Furitaanka Group H garoonka Estadio Mineiro bishan June 17 keeda.

Sawirada Halkan Ka daawo (Click-sii Mid Kamid ah Muuqaaladan)

article-2651588-1E8E793000000578-516_634x435 article-2651588-1E8E671200000578-413_634x435 article-2651588-1E8E640100000578-282_634x435 article-2651588-1E8E587400000578-246_634x435 article-2651588-1E8E690E00000578-294_634x435 article-2651588-1E8E73E900000578-758_634x435 article-2651588-1E8E55EA00000578-294_634x435

Saawo Sawirada Ciyaarta

Saawo Sawirada Ciyaarta

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Thiago Silva : Messi Waxa Lagu Hor Istaagi Karaa Kaliya Qori Caaradii

Amakaag :- Mourinho Oo Ciyaar Socota Soo Dhex Jubaaxay Ciyaaryahan Kubad Watana Iskaga Qaaday Oo Madaxa Dhulka Ugu Dhuftay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com