10:29 am - Sunday June 25, 2017

Sawiro – Xulka Ingiriiska Oo Brazil Ka Degay Iyo Amaanka Ciyaaryahanada Oo La Adkeeyey

Aidarous

Xulka qaranka Ingiriiska ayaa ka degay wadanka Brazil kadib safar sided saacadood iyo badh qaatay oo ay kaga kicitimeen Florida wadanka Maraykanka oo ay isku sii diyaarinayeen , waxay shallay cago dhigteen magaalada Rio de Janeiro.

Ciidamo amaanka ciyaaryahanada suga ayaa isku gedaamay isla markii ay ka soo baxeen garoonka diyaaradaha ee Rio , halkaas oo laga cabsi qabay inay waxyeelo ka soo gaadho dadweynaha reer Brazil ee dhigaya mudahraadyada ka dhanka ah ciyaaraha koobka aduunka , wadankoodana cadaadiska ku saaraya inuu dhaqaalaha wax ka qabto ee aan loo baahnayn ciyaar iyo kubad toona.

Saddex cisho oo kaliya ayaa inaga xiga furitaanka ciyaaraha koobka aduunka ee sanadkan 2014 ka dhacaya wadanka Qaarada Latin America ku yaala ee Brazil  halkaas oo ay ilaa wakhti xaadirkan sii xoogaysanayaan dadka dibad baxyada ka dhanka ah tartankan ka wada gudaha wadankaasi.

 

Daawo Sawirada Xidigii Xulka Ingiriiska oo Ciidamada Amaanku ku Gaaf-wareegsan Yihiin

Xulka Eng Xulka England oo siweyn amaankooda loo sugayo Xulka England oo Xulka England Xulka Ing Xulka Ingiriis Xulka Ingiriiska Oo Ka Degay Brazil Xulka Ingiriiska Xulka Uk

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Amakaag :- Mourinho Oo Ciyaar Socota Soo Dhex Jubaaxay Ciyaaryahan Kubad Watana Iskaga Qaaday Oo Madaxa Dhulka Ugu Dhuftay

Xidhiidhka Kubadda cagta Asia Oo weerar afka ah ku Qaaday FIFA

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: