SAWIRRO: Dooggii La Dhigayay Hargeisa Stadium Oo Garoonka La Geeyey Iyo Shaqadii oo la bilaabayo

Hargeisa Stadium1Doogga macmalka ah ee la dhigayo garoonka ugu weyn magaalada Hargeysa ee Hargeisa Stadium ayaa Isniintii la geeyey garoonka isaga oo ku jira koontaynarradii uu ku soo degay.

Wasiirka wasaaradda ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo ay la socdaan agaasimaha guud ee wasaaraddaas Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa hor galay gaadhi weyn oo uu saaran yahay koontaynarka uu doogga macmalka ahi ku jiro, kuwaas oo garoonka dhexdiisa geeyey.

Sida uu qorshuhu yahay waxa dhawaan la bilaabayaa dhismaha dhulka garoonka ah ee roogga ka hoosayn doona oo ay qandaraas ku qaadatay shirkad wadani ah taas oo sidoo kale dayactir ku samayn doonta garoonka oo dhan.

Wiishkii dejinayay koontaynarka

Wiishkii dejinayay koontaynarka

Warku waxa uu intaa ku daray, in wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ay la kaashan doonto dhigga doogga macmalka ah ee garoonka Hargeisa Stadium khubaro ajaanib ah oo ka caawiya in sida ugu wanaagsan loo dhigo, iyadoo la waafajinayo heerka caalamiga ah ee lagu salleeyo marka garoomada la dhigayo dooggan oo kale.

Inta Aan la dhigin garoonka doogga waxa laga hoosaysiinayaa ciid isku siman, kadibna sibidh ayaa lagu shubi doonaa iyadoo dooggana dusha laga saari doono.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Fifa Oo Shaacisay Afarta Musharax Ee U Tartami Doona Madaxweynaha FIFA

Mourinho tababare ma u noqon karaa Messi? Akhri Jawaabta Di Maria

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com