11:34 pm - Sunday July 23, 2017

Saxaafada Holland Oo Sawiro Cajiib Ah Ka Sameeyey Guushii Spain

Aidarous


Saxaafada wadanka Holland ayaa dhacdadii xulkoodu ku karbaashay qaranka Spain ee koobka aduunka , ka sameeyey sawiro lala yaabay.

Warbaahinta wadankaasi ayaa soo saaray muuqaalo kala duwan oo ay ku cabirayaan dareenkooda ku wajahan habkii xulkoodu ugu galgashay Spain ugagana badiyey 5-1 , oo ahayd aar gudashadii koob aduunkii 2010 oo Spain ka qaaday Holland.

article-2657715-1EC05D9700000578-766_634x475De Telegraaf oo ah jariidad ka soo baxda wadanka Holland , ayaa bogeeda hore soo dhigtay muuqaalka tababare Van Gaal oo loo ekaysiiyey macalimiinta gadoodka ku rida dibida ka xanaaqda marada cas, cinwaana uga dhigtay “Xulka The Orange ama midabka liimiga ah lihi ,waxay diyaar u yihiin aar-sasho’’.

Holland spainDe Telegraaf wey sii waday oo waxay soo qaadatay sawirka weeraryahan Robin van Persie oo cinka ku maqan isagoo duulaya , kaas oo ahaa goolkii barbardhaca ee ay Holland ku barbaraysay Spain ka hor intii aanay 4 ta goo lee kale dhashanin.

article-2657715-1EC05E6E00000578-659_634x405Majalada kale ee de Volkskrant ayaa iyaduna qaadatay oo bogeeda hore soo dhigtay maqaal cinwaan far-waaweyn ay ku qortay oo u dhignaa ‘dream start’ oo macnehedu yahay bilowgii riyada’ sawirkana ka dhigatay kan dunida ugu caansanaa ee van Perie oo duulaya.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chile Oo 3-1 Ku Caraabisay Australia

Marquez Oo Rikoodh Cusub Dhigay Ciyaartii Jimcihii Ee Camaroon

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: