Schalke Oo Shaacisay Inay Heshiis La Galayso Khedira

Sami_Khedira_Walpaper_3Madaxweynaha kooxda Schalke 04, Clemens Tonnies ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay wada hadallo kula jirto laacibka khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Sami Khedira, kaas oo ay rajeynayso inay si xor ah kula wareegto bisha July.

Heshiiskii uu Khedira kula joogay Real Marid ayaa dhamaanaya bisha July, waxaanu markaas ciyaartoygi hor u noqonayaa in uu ku biiro kooxda uu doono, iyadoo aanay Real Madrid wax lacag ah ka dalban karin kooxda uu ku biirayo.

Madaxweynaha Schalke oo u warramay wargeyska Bild, ayaa waxa uu xaqiijiyey in maalmihii u dambeeyey uu wada xaajood u socday ciyaartoygan, kuwaas oo sii xoogeystay isla markaana ay ka qabaan rajo wanaagsan in uu Khedira mustaqbalka dhow tegi doono Schalke.

Warkan waxa isna xaqiijiyey agaasimaha Schalke 04, kaas oo sheegay in haddii uu ciyaartoy ku guuleystay koobkii adduunka uu ka dhamaado heshiiskii uu ugu ciyaarayay kooxdiisa, ay khasab tahay in si degdeg ah ay ugu ordi doonaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen si ay sumcaddooda iyo tayadoodaba u hagaajiyaan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rooney Oo Miyir Beelay Markii Tartan Feedh Ah Oo Uu Ka Qayb Galay Dhulka Loogu Tuuray

Ciyaartoy Qudha Ka Jaray Garsoore Isku Deyey In Uu Casaan Siiyo Iyo Dhaqamada Waallida Ah Ee Soo Baxaya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com