3:16 pm - Saturday January 20, 7838

Scholes Oo Siiyey Hazard Talo Uu Kula Tartami Karo Messi Iyo Ronaldo

253 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Scholes Oo Siiyey Hazard Talo Uu Kula Tartami Karo Messi Iyo Ronaldo

Khabiirkii khadka dhexe ee Manchester United iyo xulka qaranka England ee Paul Scholes ayaa talo waayeelnimo u soo jeediyey laacibka Chelsea ee Eden Hazard kaas oo uu u sheegay in uu u baahan yahay in uu kor u qaado rikoodhkiisa gool dhalinta iyo joogtayna in uu noqdo gool ma gafe, si uu ula tartami karo ciyaartooyada Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Scholes ayaa sheegay in aanay Hazard ka muuqanin gaajo uu u qabo gool dhalinta sida Messi iyo Ronaldo, isla markaana haddii uu doonayo in uu noqdo xiddig uu u baahan yahay in uu ahaado nin u gaajoonaya gool dhalinta iyo in uu ciyaar walba ka dhex muuqdo.

“Hazard mid ayaan kaga yaabaa oo ah in uu hammuun u qabo gool dhhalinta sida Ronaldo, Messi iyo Luis Suarez. Waa ciyaartooyo mar kasta oo ay kubadda qabtaan shabaqa ay saaxiibo yihiin, waa kuwo aan la joojin karaynin. Waxa ii muuqata in Hazard uu leeyahay caqli iyo maskax fiican, taas oo horeba farxad ugu diiday kuwa ka soo horjeeda, isla markaana meel sare geysay saaxiibbaddii.” Sidaas ayuu Scholes ku qoray wargeyska The Independent.

Scholes waxa uu u sheegay Hazard in si uu ula targamo Messi iyo Ronaldo uu u baahan yahay in uu noqdo ciyaartoy danayste ah oo inta badan isku daya in uu goolka isaga uuni isla jeclaado, isla markaana kalidii ciyaar ah marka uu goolka u dhowaado.

Khabiirkani waxa kale oo uu soo qaaday xiddiga Premier League ee sannadka oo ay ku tartamayaan Harry Kane, Coutinho, David de Gea, Alexis Sanches iyo Diego Costa oo dhamaantood liiska gaaban ku wada jira, waxase uu caddeeyey in uu isagu shakhsiyan u codayn doono Hazard.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Allah Ayuun Baa Garan Karaya Masiibaddii Ku Dhacday Brazil Koobkii Adduunka – Pele

Benzema Oo La Dhigay Cusbitaal Ku Yaalla France

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com