Schurrle: Mourinho Wuxuu Dibedda Iigu Tuuray Nin Ayuu Meel U Samaynayay

Laacibka Andre Schurrle ayaa ka hadlay go’aankii ay Chelsea ku gaadhay in ay ka iibiso kooxda Wolfsburg, kaas oo uu ku tilmaamay go’aan meel loogu bannaynayo Cuadrado oo ay Chelsea ka soo iibsatay Fiorentina.

Laacibkan ayaa Chelsea uga soo wareegay naadiga Bayern Leverkusen sannadkii 2013, laakiin 24 jirkan ayaa ka waayey boos joogto tababare Mourinho.

“Mourinho wuxuu dibedda iigu tuuray nin ayuu meel u samaynayay, waxaanu ciyaartooyadiisa ku qiimeeyaa natiijada oo kaliya” sidaa wax ayidhi Schurrle oo u warramay wargeyska Kicker.

“waxay ila tahay arrimo shakhsi ahi kuma ay kallifin go’aanka, waxa uu ku sallaysnaa xirfad, amana aha in si ciyaalnimo ah loo hadlo mar kasta” ayuu raaciyey.

Weeraryahankan meelaha badan ka ciyaari kara ayay Wolfsburg ku iibsatay €32 million, waxaanu ka garab ciyaari doonaa Kevin De Bruyne oo isna Chelsea ka tegay iyo Luiz Gustavo.

Schurrle waxa uu ciyaartiisa u horreysa u safan doonaa Wolfsburg kulanka Hoffenheim ee Sabtida.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real Madrid vs Atletico Madrid: Walaaca Ancelotti Ee Dhaawacyada Ciyaarta Sabtida

Rabshadii Malabo – Daawo Muuqaaladii Foosha Xumaa Ee Loo Joojiyey 35 Daqiiqo Ciyaar Semi Final Ah Koobka Afrika

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com