Scolari: Kubadda Cagtu Diin Ayay U Tahay Brazil

Tababaraha xulka qaranka Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa ugu baaqay ciyaartooyada xulkiisa inay taageereyaasha dartood ugu guulaystaan koobka adduunka maadaama ay iyagu martigelinayaan.
Qaranka shanta jeer ku guulaystay koobka adduunka, ayaa waxa ciyaarta furitaanka garoonka Sao Paulo kula ciyaari doonaa Croatia ciyaartaas oo dhici doonta 12 June.
“Marka ay Brazil ciyaarayso koobka adduunka, dadku waxa ay ka rajaynayaan inay ku guulaystaan, mana aha cadaadi dheeraad ah oo la saarayo ciyaartoyga, laakiin waa u caado taageereyaasha Brazil iyo sidoo kale ciyaartooytooyada Brazil. Haddii aad tan maskaxda gelisaan, shaqadu way idiin fududaanaysaa” ayuu yidhi Scolari oo u warramay wargeyska Times of India.
“Waan ogahay xaaladaha taagan (Sida loo qaban qaabiyey tartanka). Dadku kuma faraxsana, markaa waxa na fuulaya waajibaad ah in aanu kaga farxinno koobka oo aannu ku guulaysanno”.
Brazil waxay ku jirtaa wadamada loo saadaalinayo, laakiin sida uu tababare Scolari aaminsan yahay waxa ay aaminaaddaasi u sii kordhinaysaa xulkiisa cadaad ah inay guulaystaan, waxaanu yidhi:
“Kubadda cagtu Diin ayay u tahay Brazil.
“Dabcan cadaadis ayaa na saarnaan doona, laakiin tani way u fiican tahay ciyaartooyada, waligoodna ma illoobayaan yoolkooda, mana hilmaami karaan waxa ay garoonka u tegayaan”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

David Beckham Oo Kaymaha Brazil Ku Metelay Film Cabsi Leh

Messi Oo Si Qiiro Leh Ugu Jawaabay Dadka Eedeeya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com