10:08 am - Wednesday June 28, 2017

Scolari: Waxa Noo Wanaagsan Chelsea Oo Laga Reebo Champions League

Aidarous

Tababaraha xulka qaranka Brazil, Luiz Felipe Scolari ayaa daboolka ka qaaday inuu ku ducaysto in naadiga Atletico Madrid ka soo reebaan kooxda Chelsea horyaalka Yurub Champions League.

Naadiga The Blues ayaa dagaal qadhaadh kadib ku qabtay 0-0 is aragii koobaad kooxda Rojiblancos ciyaartii ku dhex martay labada kooxood garoonka Vicente Calderon habeenkii khamiistii, taas oo u soo hoysay naadiga uu hor kaco Jose Mourinho rayn rayn ay ku faraxsan yihiin rajada fiican ee ay ka qabaan kulanka todobaadka dambe loogu imanayo gurigooda Stamford Bridge.

Si kastabase ha ahaatee, tababare Scolari ayaa shaqsiyan ka xun in kooxda reer London sii socoto, iyadoo sababtu tahay xidigaha reer Brazil ee Chelsea u ciyaara ee – David Luiz, Oscar, Willian iyo Ramires – oo uu danaynayo inaanay ciyaaraha ku sii jirin ilaa, bisha May 24, oo kulanka Finel ka ee Champions League la qabanayo , oo ah laba todobaad oo kaliya ka hor furitaanka ciyaaraha koobka aduunka.

“Anaga, waxa noo wanaagsan tiiyoo Atletico soo reebta Chelsea, maxaa yeelay. markaas waxaan heli karaa afar ciyaaryahan oo si fiican u nastay,” ayuu Tababaraha Brazil ku yidhi Saxaafada Khamiistii.

Scolari, wuxuu xaqiijiyey in laacibka difaaca kooxda Chelsea ee David Luiz uu yahay qofka ugu horeeya ee ugu qoran warqada uu ku soo xulanayo xulka qaranka Brazil u matalaya koobka aduunka .

“Hogaamiyeyaasha xulkayga waxa kamid ah David Luiz, Julio César iyo Fred,” ayuu yidhi.

“Hore ayaan u xushay iyaga, waanan kala hadlay dhowr jeer oo aanu kulamo yeelanay.

“Shaki igagama jiro xulka kama dambeysta ah ee aan kaxaysanayo. laakiin hadana waxaan sugi doonaa inta ay dhamaanayaan horyaaladu.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Juventus iyo Vallencia oo Afka Ciida Loo Daray – Kulamaddii Caawa ee Europa League

Sir Culus :- Codsi La Yaableh Oo Ay Xulalka Koobka Aduunka Ciyaarayaa Brazil U Gudbiyeen

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: