7:30 pm - Friday August 18, 2017

Seedorf Oo La Caydhiyey Iyo Inzaghi Oo Loo Dhiibay Ac Milan

Aidarous

Kooxda AC Milan ayaa shaqadii ka eriday Clarence Seedorf  una magacawday ciyaaryahankeedii hore ee Filippo Inzaghi inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxdaasi.

Clarence SeedorfHalyeygii qaranka Holland iyo kooxda uu in dhawaydba maamulayay ee Ac Milan , Seedorf ayaa shaqada tababarenimo kala wareegay Massimiliano Allegri bishii January ee sanadkan markaas oo kooxda Talyaaniga ahi ka biyo diiday bilowgii xumaa ee kooxdu ku qaabishay horyaalka Seria A.

Seedorf oo xiligaas uu San Siro shaqada ka qabtay , xaalada naadigu ay liidatay ayaa suurto galliyey in kooxdu kaalinta 8 aad ku dhamaystaan xili ciyaareedkii imika dhamaaday, mudo ku dhawaad lix bilood ah oo uu maamulayay.

InzaghiInzaghi , oo isna halyey weerarka ah ahaa , isku wakhtiyona ay isoo ciyaareen Clarence Seedorf kooxda Milan , Ayaan lahayn khibrad tababarenimo oo heerka Seria A- ah, laakiin mudooyinkii u dambeeyeyba tababare u soo ahaa kooxda Ac Milan ee da’doodu 19 jirada ka hooseyso.

Qoraal rasmi ah oo ay Milan dunida ku baahisay ayaa lagu xaqiijiyey isku bedelka labadan ciyaaryahan, : “Ac Milan waxay doonaysaa inay idin ogaysiiso inay shaqadii ka eriday tababare Clearance Seedorf , kooxda heerka koowaadna loo magacaabay  Pippo Inzaghi inuu layliyo ilaa 30 ka bisha June ee sanadka 2016.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

AMAKAAG: Xagguu ku nool Yahay ninkan sida weyn ugu eg Ronaldinho

Tababarihii Barca – Luis Enrique oo Dakhtarka Loola Carraray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: