1:33 pm - Wednesday June 28, 2017

Seedorf Oo Sheegay Inay Kooxdiisu Hayso Dhabihii Guusha, Amaana U Soo Jeediyey Kaka

Aidarous
Seedorf

SeedorfTababaraha kooxa Ac Milan Clarence Seedorf ayaa kooxdiisa u rajayeey horumar iyo inay sameeyaan dadaal xoogan si ay u gaadhaan meel wanaagsan.

Tababarahan ayaa sidoo kale aad u amaanay Kaka oo uu sheegay inuu si fiican kooxda ugu shaqeeyey, uguna ciyaaray, waxaanu yidhi “Waxa aanu ka baxnay marxaladii adkayd ee aanu ku jirnay, aniguna taas maan abuurin, balse hadda aad ayaanu u wada faraxsanahay, waxaana ku faraxsanahay in Kaka kooxda u safto 300 oo kulan, kana soo muuqdo Horyaalka Talyaaniga, amaana uu mudan yahay”.

Tababarahan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Kaka waa Ciyaaryahan mar walba si adag u shaqeeya, una ciyaara, waxaana aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee uu kooxda ugu qanacsanahay,anigu ma doonaya in aan ka hadlo Kaka mustaqabalkiisa Ciyaaareed, balse waxaan hubaa inuu kooxda jecelahay”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Jurgen Klopp Oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Kulanka Real Madrid

“Diyaar ayaanu u nahay kulanka Real Madrid”Marco Reus

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: