Sepp Blatter Oo Ku Baaqay In “Dhibcaha Laga Jaro” Kooxdii ama Taageerayaashii Ku Kaca Fal Takoorid ah

Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta aduunka ee Fifa, Sepp Blatter ayaa ku baaqay in la soo horeysiiyo go’aanada ad adag si loo gaadho yoolka la doonayo ee la dagaalanka jinsi iyo midab takoorida ah ee ka dhaca dunida kubada cagta.

Blatter, oo 78 jir ah, ayaa aaminsan in dhibcaha oo laga jaro kooxdii ama taageerayaashii fal takoorid ah sameeya ay ka fiican tahay ganaaxa wakhtigan lagu qaado ee ah inay ku ciyaaraan garoon madhan (bilaa taageerayaal ah).

“Ganaaxyada ciyaaruhu waa ciqaabaha kaliya ee ay ka soo baxaan natiijooyinka ugu fiicani,” ayuu Blatter ku yidhi waraysi uu siiyey Idaacada BBC. “Waa inay naadiga ku keenaan xanuun adag haddii kale waxba isbedeli maayaan.

“Buuq abuurayaasha waa in ciqaab adag la saaraa, anigana way ii cadahay in naadiyadu masuul ka yihiin oo ka dambeeyaan kuwa qaswadayaasha ah.”ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyuhu

Xulka Ukraine ayay Fifa ku xukuntay ciyaartii isreeb reebka koobka aduunka ee ay la ciyaarayeen xulka qaranka Poland , inay ku ciyaaraan garoon faaruq ah oo aan cidi joogin , kadib markii lagu hellay inay sameeyeen codka daayeerka iyo salaanta xisbigii Naziyiinta Germalka.