Serena Williams Oo Markii 8aad Ku Guuleystay tartanka Miami Open

Serena Williams ayaa xaqiijisay in ay markii siddeedaad iyadoon mushkilad badan la kulmin ku guuleysato tartanka Tennis-ka loo yaqaano Miami Open.

Serena ayaa ku garaacday Carla Suarez Navarro 6-2 6-0, waxaana guusha ay xaqiiqsatay daqiiqaddii 56aad ciyaar dhex martay labadan laacib Sabtidii.

Guushan ay gaadhay Serena Williams oo adduunka lambarka koowaad kaga jirta Tennis-ka dumarka ayaa waxa ay noqonaysaa markii 3aad oo xidhiidh ah ee ay ku guuleysatay tartanka Miamo Open. Sidoo kale waxay noqotay haweenaydii 4aad ee taariikhdan oo kale ka gasha tartankaas, iyadoo ku guuleysatay 8 jeer, waxaanay ku biirtay Martina Navratilova, Chris Evert iyo Steffi Graf oo min 8 mar ku guuleystay tartanka Miami Open.

Williams ayaa farxad darteed, garoonka ku dhex damaashaadday waxaanay tilmaantay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay markeedii siddeedaad guul ka gaadho .

Serena oo u dhalatay Maraykanka waxa ay ka guuleysatay Suarez Navarro oo Spanish ah.

Dhawr toddobaad ka hor waxa Williams gaadhay dhaawac jilibka ah, kaas oo ka reebay ciyaarihii ka dhacay wadanka India ee loo yaqaano Indian Wells.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Taageereyaasha Bayern Munich Oo Weeraray Ciyaartooyada Dortmund

Ronaldo Oo La Sinmay Di Stefano Iyo Messi

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com