2:49 pm - Saturday May 27, 2017

Serge Aurier Oo Bad-baadiyey Nolosha Moussa Doumbia Ciyaartii Isreeb-reebka Koobka Aduunka…..

Aidarous
  • Moussa Doumbia ayaa ku dhex dhacay garoonka isagoo maskax guursan kulankii xulalka Mali iyo Ivory Coast ee isreeb reebka koobka adduunka
  • Ciyaaryahanka ayaa bilaabay inuu liqo carabkiisa waxaase deg-deg caawimo ugu fidiyey Serge Aurier
  • Laacibka difaaca naadiga PSG waxaa lagu ammaanay inuu bad-baadiyey nolosha ciyaaryahanka

Serge Aurier came to the aid of Moussa Doumbia after the Mali player swallowed his tongue
Laacibka difaaca uga ciyaara naadiga PSG ee Serge Aurier ayaa bed-baadiyey nolosha ciyaaryahanka kooxdii ka soo horjeeday kulankii xulka Ivory Coast kaga ad-kaaday qaranka Mali.

Moussa Doumbia ayaa ku dhex dhacay oo suuxay bilowgii ciyaarta ku tirsanayd isreeb reebka koobka aduunka 2018 ka ee dhex maraysay labada xul qaran ee ka wada dhisan galbeedka qaarada Afrika, waxaana la sheegay in markii uu miyir doorsoomay bilaabay ciyaaryahanku inuu carabkiisa calashado oo liqo gebigiisaba.

Aurier climbs highest to win the ball during Ivory Coast's World Cup qualifying victory

Ciyaaryahanka baasha midigta ee difaaca uga ciyaara xulka Ivory Coast iyo kooxda Paris Saint Garmain ee Aurier ayaa si deg-deg ah u qabtay ciyaaryahan Doumbia oo sakaraad ah una jiifiyey dhinac dhinac kadibna carabka ka qabtay inuu liqo – markii dambena ciyaaryahanka waxaa loo qaaday cusbitaalka.

serge-aurier-a-sauve

‘Doumbia wuu dhacay oo suuxay, waxaanu cunayay carabkiisa, Serge ayaanu ahaa qofkii ugu horeeyey ee gaadhay caawimona u fidiyey,’ sidaas waxa yidhi tabobaraha xulka qaranka Mali, Fousseni Diawara.

‘Waa markaas marka Aurier, iyo mid kamid ah ciyaaryahanadayadu, ay si deg-deg ah jir-jir ka ugu seexiyeen, carabkiisana ka soo qabteen ee soo saareen, maxaa yeelay wuxuu u dhawaa inay naftu ka baxdo.’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Laydhkii La Damiyey Ciyaartii Venezuela – Brazil Iyo Kacdoonkii Taageerayaasha

Frank Ribery Oo Yasay Awoodda Ciyaareed Ee Griezmann

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com