1:29 pm - Wednesday June 28, 2017

Sergio Aguero Oo ku taamaya in horyaalka ku qaadi doonnaan sidii sannadkii 2012-ka

Aidarous

Sergio+AguerokWeeraryahanka kooxda Manchester City, Sergio Aguero ayaa sheegay in xasuustii qiiradda lahayd oo ay ku qaadeen Premier League 2012 ay kooxdiisa markale ka caawin karto in ay hanato Premier League xagaagan. Gool aanay taariikhdu iloobi doonin oo xiddiga Argentine uu ka dhaliyay Kooxda Queens Park Rangers maalintii ugu dambeysay ee xagaagii 2012, ayaa City u iibiyay horyaalka,Aguero ayaa aaminsan in markale City ay xagaagan hanan doonto horyaalka ayna awoodan “Waxaa City caawineysa xusuusta maskaxda,laakiin hadda ma joogno ciyaartaas, markii aad ciyaarto wax badan waxaa noqoneysa in badan mid waayo-arag ah , waa in aan wax ka baranaa qaladaadkeena ayuu 25 jirkan u sheegay FourFourTwo “Qofna ma rajeynayo in hal dhibic la isla gaadhi doono kulanka ugu dambeya xagaagan , laakiin waan naqanaa aan dib ugu celino maskaxda 2012, taas ayaa City ugu filan in ay ka caawiso horyaalka oo aanay is dhigan. City ayaa ku jirta booska sadexaad ee Premier League iyagoo afar dhibcood ka dambeeya Liverpool inkastoo ay haystaan laba kulan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Sturridge:“Ciyaartoyda Liverpool waxay doonayaan inay horyaalka u qaadaan Steven Gerrard dartii”

Qaar ka mid ah Taageerayaasha kooxda Chelsea oo si Yaab leh u fasirtay wixii uu sameeyay wiilkooda Eden Hazard kulankii Xalay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: