8:33 am - Saturday August 19, 2017

Sergio Aguero Oo u quus-gooyey kooxaha Barcelona iyo RealMadrid

Khadar Dirir
Aguaro oo Guriga la jooga Kenny
Aguaro oo Guriga la jooga Kenny

Weeraryahanka kooxda Man City Sergio Aguero ayaa carabka ku dhuftay inuu xagaaga soo socdo la sii joogi doono kooxdiisa iyadoo ay jirto inay xiisaynayaan kooxaha tunka wayn ee Barcelona iyo Real Madrid.

26-jirkan ayaa 28-gool u dhaliyay kooxdiisa xagaagii la soo dhaafay iyadoo ay jirtay inay dhaawacyo badan soo gaadheen intii lagu guda jiray xilli-ciyaareedkan.

Laacibkan oo soo jiitay indhaha qaar ka mid ah kooxaha ugu waawayn Yurub ayaa si wayn loola xidhiidhinayay inuu u dhaqaaqo La Ligaha Spain iyadoo ay wada xiisaynayaan Real Madrid iyo Barcelona.

Hase-yeeshee Aguero ayaa meesha ka saaray inuu ka tagayo Man City isla markaan ku faraxsan yahay inuu sii joogo Etihad Stadium isagoo yidhi “Waxaa jira hadalo badan oo ku saabsan Real Madrid iyo Barcelona “Waxaan doonaya in aan sannad kale sii joogo kooxdayda Man.City”ayuu yidhi Sergio

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Yaya iyo Kolo Toure Oo Walaalkood Ka Yaraa Ku Geeriyooday Ingiriiska

Pablo Zabaleta Oo Tilmaamay Shaxda Mudan in ay Argentin ku Ciyaarto

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: