3:16 pm - Friday January 20, 4271

Seria A – Parma Oo 2 Dhibcood Laga Jaray – Sabbab.?

210 Viewed Aidarous Comments Off on Seria A – Parma Oo 2 Dhibcood Laga Jaray – Sabbab.?

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Talyaaniga ee magaciisa loo soo gaabiyo (FIGC) ayaa laba dhibcood ganaax ahaan uga jaray naadiga sii musalafaya ee Parma, go’aan ay soo saareen Maalintii Jimcaha ayaanay sidaas ku sheegeen.

Naadiga Parma oo mudooyinkan u dambeeyeyba dhaqaale xumo aawadeed liic liicaya, ayaa hore looga jaray hal dhibic oo kamid ah dhibcaha kala saraynta ee kooxuhu ciyaaraha ka urursadaan kadib markii ay awoodi weyday inay iska bixiso mushaharka ciyaaryahanadeeda.

Bishii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii la baajiyey ee dib loo dhigay ciyaartii kooxda Parma wajahaysay kooxda Udinese sababo kharashka oo ay awoodi weyday la xidhiidhay, iyagoo ciyaarihii ka dambeeyey oo dhana gunno iyo mushahar la’aan ciyaaryahanada la degtay awgeed ay dibada u soo saartay ceebo huursanaa mudo.

Labadan dhibcood ee Jimcihii laga jaray kooxdu wuxuu ka dhigayaa inay fadhido kaalinta 9 aad ee kala saraynta horyaalka Talyaaniga ee Seria A.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kane Oo Markii 2 aad Oo Xidhiidh Ah Ku Guuleystay Xidiga Bisha Ee Horyaalka Ingiriiska

Kevin De Bruyne Oo Ka Wanaagsanaaday Cesc Fabregas – Chelsea Ma Qoomamayn Doontaa Bruyne?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com