Sevilla Oo Ku Gaadhay Finelka Europa League – Gool Mbia U Dhaliyey Daqiiqadihii Lagu Daray Ciyaarta Iyo Amakaagii Vallencia Qabsaday Xallay

Xafladayn-Stephane-Mbia-oo-sababay-inay-damaashaadaan-Sevilla-kadib-markii-uu-u-dhaliyey-Goolka-Finelka-Europa-League-u-horseeday.jpg
Xafladayn-Stephane-Mbia-oo-sababay-inay-damaashaadaan-Sevilla-kadib-markii-uu-u-dhaliyey-Goolka-Finelka-Europa-League-u-horseeday

VALENCIA 3-1 SEVILLA (Agg: 3-3): Sevilla ayaa dirqi ku heshay tigidhka ciyaarta Finel-ka ee horyaalka Europa League kadib markii daqiiqadii 94 aad ee ciyaarta gool uu madaxa ugu dhaliyey Stephane Mbia ka badbaadiyey goolashii 3 da ahaa ee Vallencia huluuq siisay meeshana ka saaray 2 dii gool ee ay hore ugu soo dhashadeen garoonkooda, laakiin goolka wakhti daayaca dhashay uu ka dhigay ciyaarta celceliska goolasha 3-3 , sidaasna Vallencia kaga hadhay horyaalka Yuruba League.

Farxadii Kabashada Sevilla oo u muuqatay inay ka shubtay oo uu godka ka soo saaray goolkii Mbia dhaliyey wakhti daayaciiFarxadii Kabashada Sevilla oo u muuqatay inay ka shubtay oo uu godka ka soo saaray goolkii Mbia dhaliyey wakhti daayacii

Farxadii Kabashada Sevilla oo u muuqatay inay ka shubtay oo uu godka ka soo saaray goolkii Mbia dhaliyey wakhti daayacii

In kasta oo 3-1 ay guushu ku raacday Vallencia xallay, Sevilla ayaa hadana noqotay kooxda Finel-ka u gudubtay, maadaama goolka ay ku dhaliyeen garoonka Mastella uu ka faaiido batay goolasha ay Vallencia dhalisay oo dhan .

Sevilla ayay guushu ku raacday is aragii hore ee gurigooda la joogay 2-0 , laakiin gool uu ka dhaliyey daqiiqadii 14 aad Sofiane Feghouli, oo uu u raacay gool uu iska dhaliyey goolwadaha Sevilla ee Beto daqiiqadii 26 aad iyo goolka saddexaad oo uu daqiiqadii 70 aad u raaciyey Jeremy Mathieu ayaa ka dhigay ciyaarta 3-0 iyo guud ahaan labadii kulan natiijadoodii 3-2, wixii intaas ka dambeeyeyna ay godka ku jirtay kooxdii garoonkooda hore ugu soo shaqaystay ee Sevilla.

Mbia-oo-Madaxa-ku-dhalinaya-goolkii-guusha-4-tii-daqiqo-ee-ciyaarta-lagu-daray

Mbia-oo-Madaxa-ku-dhalinaya-goolkii-guusha-4-tii-daqiqo-ee-ciyaarta-lagu-daray

Saacaddii ayaa dhamaatay, 90 kii daqiiqona waxay ku tageen iyadoo Vallencia sugayso debaal degga u bixida ciyaarta Finel-ka ah , Laakiin 4 daqiiqo oo lagu daray markay dhamaad ku dhow yihiin , Kubad uu madaxa si qurux badan ugu dhuftay Mbia ayaa Hanaqa goysay Vallencia iyo kooxdii kuraasta Kaydka ee garbaha isu qabsaday inay debaal degaan , garoonkii dhamaana ay kaliya damaashaad la kaceen koox goorahaasba waran ku taagnaa. Sevillana u suurto galliyey inay markii koowaad tan iyo 2007 dii gaadhaan Finelka Europa League.

Sevilla ayaa Ciyaarta Finelka ka hor taggi doonta kooxda Portaqiiska ah ee Benfica oo iyaduna habeenkii xallay ahaa koobka ka reebtay Juventus oo turino Joogta.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Benfica oo soo afjartay Riyaddii Juventus ee Europa League

Valencia Cadaalad Darro Ayaa Lagu Reebay : Tababare Pizzi

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com