5:39 pm - Thursday July 27, 2017

Shakira Oo Soo Saartay Muuqaalka Heesta Astaanta Koobka Aduunka Oo Ay Jilayaan –Pique –Messi Iyo Neymar

Aidarous

Fanaanada caanka ah ee reer Colombia, Shakira ayaa baahisay muuqaalka heesta astaanta koobka aduunka ee Brazil 2014 World Cup Anthem oo magaceeda la yidhaahdo ‘’La La La (Brazil 2014)’.

Muuqaalka ay baahisay Shakira, ayaa waxa dadka ka dhex muuqanaya ee jilaya kamid ah, odaygeeda Gerard Pique, oo ay weheliyaan saaxiibadiisa Barcelona ee Cesc Fabregas, Lionel Messi iyo Neymar, waxa sidoo kale ku jira Eric Abidal – oo aan isagu sanadkan la socon xulka qaranka Faransiiska ee tartanka ka qayb gallaya – iyo wiilkeeda yar ee, Milan.

Heesta dadka ka dhex muuqda oo tiro badan , waxa sidoo kale kamid ah, weeraryahanada Sergio Aguero iyo Radamel Falcao.

shakira iyoWaxaan ka maqnayn xidiga reer Brazil ee Carlinhos Brown, oo isagu garaacaya durbaanka heestaba u samaynaya dhadhanka Muusiga Sambada, qaarada Koonfurta Maraykanka caanka ka ah.

Shakira oo ah fanaanada heestan luuqdeeda lagu dhagaysan doono, ayaa sidoo kale koob aduunkii kan ka horeeyey ee 2010 lagu qabtay wadanka South Africa lahayd heestii caanka noqotay ee ‘Waka Waka’.

ShakiraWaxa kale oo ay sanadkan qayb ka tahay heesta kale ee furitaanka Koobka aduunka laga qaadayo ee loogu magac daray ‘We Are One (Ola Ola) taas oo ay fanaaniinta la qaadaysa kamid yihiin Pitbull iyo Jennifer Lopez.

Hadaba halkan Ka daawo Heesta ‘La La La (Brazil 2014)

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Essien: Ghana way gaadhi kartaa semi-final-ka Koobka Aduunka

David Luiz Oo Qarka U Saaran Inuu €49m Ugu Wareego PSG

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: