8:15 am - Saturday August 19, 2017

Shaqaale Ku Dhaawacmay Garoonka Lagu Qabanayo Xaflada Furitaanka Koobka Aduunka

Aidarous

Garoonka Furitaanka Koobka AduunkaQof shaqaalaha dhismaha kamid ah ayaa lagu soo waramay inuu dhaawac halis ahi ka soo gaadhay kadib markii uu ka soo duulay (dhacay) saqafka garoonka lagu furayo ciyaaraha koobka aduunka ee Arena Corinthians.

Qofkan oo aan ilaa hadda la aqoonsanin magaciisa iyo tixraaciisa kale ayaa sida ay xaqiijiyeen waaxda dab-demiska ee magaalada Sao Paulo, la dhigay cusbitaalka magaalada isagoo xaaladiisu liidato.

Ninkan ayaa sida la sheegay ka soo dhacay meel sare oo dhulka u jirta 8 mitir , ilaa hadana xaalad  miyir doorsoon ah ku sugan.

Garoonka uu shilkani ka dhacay ee Arena Corinthians ayaa qorshuhu yahay inay ka qab soomaan 6 ciyaarood oo ka tirsan tartanka koobka aduunka ee sanadkan badhtamihiisa ka qabsoomi doona wadanka Brazil. Ciyaarahaas oo ay ku jirto mida furitaanka ee ay isku haleelayaan xulka martigalinaya ee Brazil iyo xulka qaranka Croatia, kulamada kale ee la qorsheeyey inay gegidan ka dhacaan ayaa waxa kamid ah mid dhex mari doonta qaramada Ingiriiska iyo Uruguay.

Gegidan ayay hore uga dhaceen saddex shil oo ay dad shaqaale ahi ku naf waayeen bishii November sanadkii hore ee 2013.

Waxa kale oo shilal dad wax ku noqdeen ka dahceen garoomada Arena da Amazonia ee magaalada Manaus iyo garoonka Estadio Nacional Mane Garrincha ee magaalada Brasilia.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kaka Oo Sheegay Inuu Ku Biiri Doono Kooxaha Maraykanka Ee Horyaalka MLS

Wiil Kamida Kuwa Kubada Soo Qabta Oo Dirqi Kaga Badbaaday Gacanta Mourinho

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: