‘Sheeko Ha Iila Iman!’ – Ibrahimovic Oo Ku Xanaaqay Weriye Su’aal Weydiiyey

Xidiga weerarka uga ciyaara naadiga Paris Saint-Germain ee Zlatan Ibrahimovic ayaa sii wada iska caabinta uu kula jiro warbaahinta Faransiiska kadib markii uu si cadho ka muuqato ugu jawaabay isla markaana uga dhaqaaqay weriye ay ka khaldameen goolasha uu dhaliyey ciyaaryahanku wax yar kadib dhamaadka ciyaartii barbar dhaca 1-1 ka ah ay ku kala baxeen kooxdiisa iyo Lyon habeen hore.

Ciyaaryahanka reer Sweden ayuu weriyuhu weydiiyey dareenkiisu sida uu yahay maadaama oo uu dhaliyey goolkiisii koobaad ee Ligue 1 ka mudo laba bilood ah, laakiin, nasiib xumo uu saxafi ilaawey in goolkan barbar dhaca ah ka sokow uu Ibrahimovic dhaliyey goolkii guusha kooxdiisu kaga qaaday naadiga Saint-Etienne laba todobaad uun ka hor.

Laacibkan 33 jirka ah, ayaa intuu suxufigii xasuusiyey inuu gool kalena dhaliyey dhawaan ‘ isagoo jees jeesaya ka dhaqaaqay oo hadana u sii raaciyey hadal tuuryo ah cadho badanina ka muuqato : “Fadlan saaxiib jooji hadalka. haddii aadan war u haynin xogta aad ka hadlayso . anaka sheeko hanoola imanin!”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Koobkii Champion-ka ee Real Madrid Ku Guuleysatay Oo La Xaday

Simeone Oo Dhanbaal Hambalyo Ah U Diray Wiilkiisa Argentina Guusha Ku Hogaamiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com