11:35 pm - Thursday July 27, 2017

Shir Degdeg Ah Oo Abramovich Ku Gelelefay Chelsea Iyo Digniinta Uu Siiyey

Abdiwahab Ahmed

chelseaMulkiilaha Chelsea ayaa xalay saqdii dhexe shir aan la sii qorshaynin la yeeshay kooxdiisa, si uu digniin ugu siiyo in aanay kulan kale guul-darro u soo gaadhin.

Mulkiilaha Ruushka ah ayaa shir kula jiray guddida maamulka ee kooxdiisa iyo xubnaha hormoodka u ah kooxda kaas oo ay is hor-fadhiyeen illaa 1-dii habeennimo ee saqda dhexe.

Abramovich oo ka cadhaysnaa guul-darradii Liverpool ee Jimcihii ayaa u sheegay kooxdiisa intii shirku socday in uu bixiyey lacag dhan £117million oo ciyaartoyo lagu soo iibiyey, haddana koox aan lacag badan la gelinin ay ka badisay, taasina ay tahay wax aan la aqbali karaynin. Waxa kale oo uu u sheegay in sannadkii hore ay kooxdiisu gashay kaalinta 10naad ee horyaalka, haddii aan wakhtigan laga sii gaashaamanna ay mar kale soo noqon doonto, meeshana ay ka bixi doonto riyada ah inay ku guuleystaan horyaalka Premier League.

Chelsea ayaa intii uu suuqa ciyaaruhu furnaa waxay ku hungowday difaacyahanka John Stones oo ay £47.5m kaga hor qaadday Manchester City, sidoo kalena Kalidou Koulibaly iyo Alessio Romagnoli ayaa loo diiday inay heshiisyo la gasho, waxaanay taasi ku khasabtay inay £32m dib ugu soo ceshato difaacyahanka reer Brazil ee David Luiz oo kulankii Liverpool la safay si uu u buuxiyo kaalinta Kabtan John Terry oo dhaawac ku maqnaa.

Abramovich ayaa la filayaa in bisha January uu gacanta ka gelin doonto tababare Antonio Conte lacag uu ku raadsado ciyaartoyga uu tebayo.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester: Ciyaartoyga Oo Baabuur Ku Tegay Garoonka Tababarka Iyo Mourinho Oo Seefta Galka ka saaray

Warbixin: Tababare Louis Van Gaal Ayaaba Dhaamay Jose Mourinho – (Ogow Sababta)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: