Siddeed Ciyaartoy Oo Atletico Iyo Real Ayey Suurtogal Tahay Inay Maqnaadaan Lugta Labaad

Kooxda tababare Diego Simeone ee Atletico Madrid ayey suurtogal tahay in afar ud ah ku laga ganaaxo oo ay lugta labaad ee ciyaarta Champions League ay ka maqnaadaan haddii caawa ay kaadhka digniinta ah qaataan.

Gabi, Fernando Torres, Mario Suarez, Cristian Ansaldi iyo Jesus Gomez ayaa qaatay min laba kaadh oo huruud ah tartanka Champions League ee sannadkan, taas oo uu sharcigu dhigayo in marka uu ciyaartoygu qaato saddex kaadh oo digniin ah uu maqnaado hal ciyaar ah.

Real Madrid ayaa waxa ganaax kaga maqnaan doona kulanka dambe haddii ay kaadh digniin ah qaataan caawa ciyaartooyada muhiimka ah ee Toni Kroos, Marcelo iyo Fabio Coentrao.

Siddeedan ciyaartoy ayaa dhamaantood seegi doona is-aragga labaad ee ka dhici doona ciyaarta garoonka Bernabeu, haddii ay kulanka caawa ee garoonka Vicente Calderon ay kaadhadh qaataan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Saadaasha akhristeyaasha Cadalool ee Ciyaarta Caawa ee Atletico v Real Madrid

Saadaal: Yaa Badin Doona Juventus v Monaco

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com