8:48 pm - Monday January 22, 2018

Sidee Ayey Somaliya U Qaban Kartaa Tartan Ciyaareed Caalami Ah?

53 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Sidee Ayey Somaliya U Qaban Kartaa Tartan Ciyaareed Caalami Ah?

Guddoomiyaha xidhiidhka kubbadda cagta ee Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaaliya ay martigalin lahayd ciyaaraha caalamiga ah.

Cabdiqani waxa uu sheegay in sanadka 2018-ka la qorsheynayo in gudaha Soomaaliya lagu qabto ciyaarihii ugu horreeyay oo heer caalami ah muddo badan kadib.

Markii ugu dambeysay oo ay Soomaaliya martigalisay ciyaar caalami ah waxa ay ahayd sanadkii 1988-dii, xiligaas oo wixii ka dambeeyay uu khalkhal galay amniga dalka.

Waxay ahayd ciyaar ka mid ah Koobkii Qaramada Afrika, waxayna dhexmartay Uganda iyo Soomaaliya.

“Xaaladda dalka waa ay soo hagaagaysaa, waxaanan gaadhaynaa nabad iyo xasilooni” ayuu yidhi Cabdiqani.

“Dadka Soomaalida waxa ay xaq u leeyihiin in ay daawadaan xulkooda qaranka oo ku ciyaaraya gurigooda” ayuu intaas ku daray.

Qorshuhu waxa uu yahay in dalka lagu casuumo kooxo qaramada Afrika qaarkood si loo qabto ciyaaro saaxiibtinimo. Waxaa kale oo xigi doonaa in ciyaaraha Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee Cecafa lagu qabto Soomaaliya.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mbappe Oo Kashifay Wadahadallo Dhex-maray Real Madrid

Maxaa Sababay in Ciyaaryahano Reer Somaliland ah Tagaan Muqdisho?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com