11:42 pm - Monday May 29, 2017

Silsiladda Dhaawaca: Raphael Varan Oo Dhaawacmay

Abdiwahab Ahmed

Real Madrid ayaa nasiib darro kale ku habsatay, markii uu soo baxay warka sheegaya in uu dhaawacmay difaacyahanka Raphael Varane, kana maqnaan doona ugu yaraan kulanka Sabtida ee Sporting Gijon.

Vane ayaa dhaawac fudud uu haleelay ciyaartii tartanka Champions League ee Sporting Lisbon, waxaana uu seegay tababarkii Jimcaha ee ciyaaryahannada tababare Zidane ugu diyaarinayey kulanka Sabtida.

Dhaawaca Varane ayaa mushkilad cusub ku noqday Real Madrid oo hore ula daalaa-dhacaysay raxan ciyaaryahanno ah oo jiifay, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Bale, Kroos, Pepe iyo Casemiro, laakiin Pepe iyo Casemiro ayaa la sheegay in ay tababarka kusoo laabteen, suurtogalna ay tahay inay ciyaaraan kulanka El Clasico.

Casemiro ayaa dhaawac u jiifay ku dhowaad laba bilood, markii uu dhaawacu haleelay kulan dhex maray Espanyol, halka Alaves aanu garoon lugta gelinin tan iyo dhamaadka bishii October.

Martin Odegaard iyo Enzo Zidane ayaa iyaguna tababarkii Jimcaha la sameeyey ciyaaryahannada kale ee Madrid.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Daawo: Borussia Dortmund 8-4 Legia Warsaw – Ciyaartii Musalsalka Ee Layska Dhaliyey 12-ka Gool

Ozil Oo Ka Hadlay Ciyaarta El Clasico Iyo Inuu Dib Ugu Noqonayo Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com