2:54 pm - Saturday July 29, 2017

Silsiladda Dhaawacyada Real Madrid Oo Daba-furan Noqotay + Xiddigo Cusub Oo Muddo Maqnaan Doona

Abdiwahab Ahmed

Laba ciyaartoy oo muhiim ah ayaa muddo toddobaadyo ah ka maqnaan doona Real Madrid, kaddib markii ay haleeleen dhaawacyo fudud oo ka xannibi doona in ay garoomada soo galaan labada toddobaad ee ugu horreeya sannadka cusub ee 2017.

Lucas Vazquez iyo Mateo Kovacic oo dhaawacmay ayaa inkasta oo war rasmi ah aanay kooxdu ka soo saarin, waxa la sheegay in ay garoomada ka maqnaan doonaan laba illaa afar toddobaad, waxaanay seegi doonaan ciyaaro muhiim ah oo tababare Zidane uu sii qorshaystay inay qayb-weyn ku yeeshaan.

Vazquez oo buuxiyey booskii uu ka dhaawacmay Gareth Bale iyo Kovacic oo halbowle khadka dhexe ka ahaa kooxda intii ay dhaawaca u jiifeen Luka Modric iyo Kroos ayaa la xaqiijiyey inay ka maqnaan doonaan ciyaata muhiimka ah ee Sevilla ee Copa del Rey iyo kulanka kale ee labada kooxood foodda iskud ari doonaan LaLiga.

Vazquez ayaa u jiifa kuraanta lugta midig oo dhaawac ka gaadhay ciyaartii finalka ee FIFA Club World Cup, halka kubbad sameeyaha Croatia uu isaguna kuraanta midig jug ka gaadhay.

Tijaabooyin dheeraad ah oo lagu sameeyey ayaa xaqiijiyey in labada ciyaartoy ay maalmaha soo socda daawooyin kale usocon doonaan, waxaana xaqiiqo ah in kulamada u horreeya ee sannadka 2017 ay seegi doonaan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Liverpool Oo Beenisay Inay Iibsanayso Oxlade-Chamberlain

Klopp Oo Xaqiijiyey In Coutinho Ka Maqnaanayo Kulanka Manchester City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: