Simeone: Anigaa Lahaa Khaladka Guul Darrada, Hala daayo Torres

Diego Simeone

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ayaa dusha saartay guul darradii qadhaadhayd eek a soo gaadhay kulankii ay kooxdiisu Axaddii la yeelatay Celta Vigo, taas oo ku garaacday 2-0.

Tababaraha ayaa diiday eedaymo loo jeediyey weeraryahanka Fernando Torres kaas oo qaab ciyaareed liita la soo galay garoonka isla markaana qaybtii hore lumiyey fursado.

“Qaybtii hore si xun ayaan u soo xulay. Waxa aanu khasaarnay 45 daqiiqo, si xun ayaanan kooxda usoo xushay” sidaas waxa shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta kadib ku sheegay tababare Diego Simeone.

“Khaladka muuqasho la’aanta muu lahayn Fernando laakiin waxa aanu awoodi kari weynay in aanu ciyaartayada dheeli-tirno.

“Qaybtii dambe si fiican ayaanu ku bilownay, laakiin mushkiladdu waxay ahayd rikoodhe la nagu dhigay iyo goolka labaad oo daba socday. Celta si fiican ayay u ciyaartay.

“Waanu sii wadaynaa in aanu ku tartan horyaalka waxaananu hadda ka fikiraynaa Sabtida soo socota” ayuu raaciyey Simeone.

Someone waxa kale oo uu diidayn eedayn ahayd in weeraryahannadiisa Torres, Mario Mandzukic iyo Antonie Griezmann aanay wada shaqayn karaynin.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pepe oo ku soo laabtay Garoomada

Kabtan Gabyaaye Oo Ka Hadlay Sababta Uu Muqdisho U Tegay Iyo Sheekooyinka Beenta Ah Ee Laga Faafiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com