Simeone Oo Dhanbaal Hambalyo Ah U Diray Wiilkiisa Argentina Guusha Ku Hogaamiyey

Todobaadyadkii u dambeeyey oo dhami ayaa ahaa mid weji fiican ku qaabilay uguna dhamaaday qoyska reer Simeone.

Giovani Simeone ayaa gacan weyn ka geystay oo ka caawiyey xulka dhalinyarada da’doodu 20 jirada ka yartahay ee Argentina inay ku guuleystaan koobka xulalka dhalinyarada wadamada koonfurta qaarada America ‘South American Youth Championship.
Qaranka uu hogaamiyo tababare Humberto Grondona ayaa 2-1 kaga dul talaabsaday xulka wadankii martida loo ahaa ee Uruguay ciyaar ku dhex martay garoonka the Estádio Centenario.
Wiilka Simeone dhallay ee Giovani ayaa noqday ciyaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa tartanka isagoo shabaqa ku ruxay 9 gool , Aabihii ayaana isla markiiba u soo diray fariin qoraal ah oo uu ugu hambalyeynayo guusha innankiisa: “Dhamaan shaqadii cuslayd iyo dedaalkii aab bixisay Wiilkaygoow, hore u soco oo la raaxayso kooxdaada!

Diego Simeone innankiisa kale ee Gianluca ayaa isna wakhtigan ku jira kooxda ku guuleysatay koobka Al Kass International Cup ee River Plate.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

‘Sheeko Ha Iila Iman!’ – Ibrahimovic Oo Ku Xanaaqay Weriye Su’aal Weydiiyey

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Lagu Eedeeyey Xil Gudasho La’aan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com