Simeone Oo Heshiis Cusub Qalinka Ugu Duugay Atletico Madrid

(Video) - Diego Simeone Oo Markii Ugu Horeysay Yeeshay Facebook & Twitter Caruurtiisana Fariintii Koowaad Ka Hellay

Diego Simeone

Tababaraha xamaasadda badan ee Simeone ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu la galay kooxdiisa Atletico Madrid taas oo ay ku heshiiyeen in uu tababare ka sii ahaado illaa sannadka 2020.

Simeone oo heshiiskii uu kula joogay Atletico Madrid uu ku dhamaanayo sannadka 2017 ayaa saxeexay saddex sannadood oo kale oo dheeraad ah, kaas oo meesha ka saari doona damacii kooxda Manchester City ay ku doonaysay in bisha June uu maamulka kala wareego Manuel Pellegrini.

Kooxo kale ayaa jira oo xiisaynayey tababare Simeone kuwaas oo ay ku jirto Liverpool iyo PSG oo si ay u rumeeyaan hamiggooda in ay guulo gaadhaan sannadaha soo socda.

Heshiiska uu Simeone saxeexay kalidii kuma aha, hase yeeshee waxa iyaguna kooxda heshiisyo cusub u saxeexay kaaliyihiisa Juan Vinzcaino, tababaraha gool-hayaha Pablo Vercellone, kooxda caafimaad ee naadiga Oscar Ortega, Carlos Menendez iyo Ivan Rafael Diaz Infante iyo waliba madaxa xafiiska saxaafadda Jose Luis Pasques.

Simeone ayaa waxa uu tababare ka noqday Atletico Madrid bishii December 2013 waxaanu illaa wakhtigaas kula guuleystay shan koob. Kaliya waxa u hadhay ee uu doonayo in uu kula guuleysto ayaa ah Champions League.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Kooxda Riyada Ee Kaka Oo Laga Waayey Messi Iyo 2 Ronaldo + Zidane Ka Dhex Muuqdaan

Brazil v France: Waddamo Colaad Kubbadeed Ka Dhaxayso Oo Khamiista Iska Hor Iman Doona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com