Simeone Oo Real Kadib U Hanqal Taagaya Guuldaro Uu Barca Baddo

Tababaraha naadiga Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa amaanay qaab ciyaareedkii ciyaaryahanadiisu ku dubteen kooxda ay dariska yihiin ee Real Madrid oo ay afka ciida ugu dareen 4-0.

Simeone oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kadib ayaa yidhi : ‘Qaabkii ciyaaryahanadu u ambaqaadeen ciyaartu wuxuu ahaa mid cajiib ah. Waxaanu shaqada u qabanay sidii ugu halisanayd hadda wixii ka dambeeyana halkaas uun baanu ka sii wadi doonaa.’

Mar la weydiiyey bal inay imika ku dagaalamayaan hogaanka, wuxuu ku jawaabay: ‘Wali waxaanu u baahanahay hal talaabo oo kale.’ Iyadoo hadana la su’aalay bal in ciyaartani ahayd tii ugu fiicnayd ama uu ugu wanaagsanaa intii uu xilka Atletico qabtay , wuxuu kaga jawaabay: ‘Maya, waxay ahayd uun ciyaar kale oo horyaalka ah’.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ancelotti Muxuu Ka Yidhi Burburkii Kooxdiisa Iyo Guushii Naadiga Deriska La Ah

“Waxay noqon kartaa 30 kii daqiiqo ee ugu xumaa ee Real Ciyaarto”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com