1:24 pm - Saturday June 24, 2017

Sir Alex Ferguson Oo Markale soo Magacaabaya Macallinka Cusub Ee Man. United! 

Khadar Dirir

 

Tababarihii hore ee ka duqoobay Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa gacanta loo galiyey go’aanka ah inuu mar kale soo magacaabo macallinka cusub ee bedelaya David Moyes oo shalay laga caydhiyey shaqada Man United.

Sir Alex Ferguson ayaa la kulmayey dhaleeceyn ah inuu ku lug lahaa dhibtaada haysata waqtigan kooxda United, markii uu David Moyes u gacan galiyey kursiga kooxda Manchester United.

Ferguson oo 26-sanno maamulayey Man United ayaa haatan la soo sheegayaa inuu doonayo in go’aankiisii uu ku keenay Moyes oo ahaa mid qaldanaa uu dib u saxo. Madaxda Manchester United ayaa mar kale wakiishay Sir Alex Ferguson, kana dalbaday inuu kooxda keeno tababare u qalma sidaas waxaa warinaysa majaladda Telegraph. Louis Van Gaal iyo Carlo Ancelotti ayaa haatan si weyn loola xidhiidhinayaa inay qaban doonaan shaqada Old Trafford oo uu banneeyey David Moyes.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Mourinho Oo Xaqiijiyey Maqnaanshaha Cech & Terry Ee Ciyaarta Liverpool

Jose Mourinho Oo qaar badan oo ka tirsan Xiddigihiisa nasin  doona kulanka Liverpool

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: