Sir Alex Ferguson Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Booqday Xidigaha Chelsea Huteelka Ay Degen Yihiin Wax Yar Ka Hor Ciyaarta PSG Ee Champions League

Sir Alex Ferguson Ayaa si lama filaan ah huteelka ay ka degen yihiin caasimada Paris ugu booqday ciyaaryahanada kooxda Chelsea Subaxnimadii Salaasadii, kuwaas oo ku jiray is diyaarinta ciyaarta wareega 16 ka ay isku haleelayaan naadiga reer France ee PSG.

Tababarihii hore ee naadiga Manchester United ayaa lagu sawiray wajahada hore ee huteelka raaxada u qaalabaysan ee L’Hotel Du Collectionneur halkaas oo ciyaaryahanada uu hogaaminayo tababare Jose Mourinho ay isku diyaarintii ugu dambeysay ugu jireen ciyaarta horyaalka Naadiyada Yurub ay halkaas kula leeyihiin Paris Saint Germen.Sir Alex oo Mourinho Iyo Chelsea booqasho kadis ah ugu tagey
Wargeyska Le Parisien ee Faransiiska ka soo baxa ayaa shabakada Twitter soo dhigay Sawir Khabiirka 73 jirka ah ee Sir Alex, oo wajahada huteelka kula sheekaysanaya wiil dhalinyaro ah dhismaha u dhaw astaanta Caasimada Paris ee loogu yeedho famous Arc de Triomphe.Sir Alex oo Mourinho Iyo Chelsea booqasho kadis ah ugu tagey 2
Joornaalka Faransiiska ahi wuxuu ku waramay in tababare Mourinho sheeko dhex martay isaga iyo Martidan qaaliga ahayd ee Subaxnimada soo booqatay oo ahaa Ferguson.
In kastoo dagaalo qadhaadhi soo dhex mareen wakhtigii Ferguson laylin jiray naadiga Old Trafford hadana labada Tababare ayaa la wariyaa in xidhiidhkoodu wanaagsan yahay.Sir Alex oo Mourinho Iyo Chelsea booqasho kadis ah ugu tagey 3
Shabakada Sportsmail ayaa iyana dhinaceeda xustay in Sir Alex uu u joogo Paris kulanka xidhiidhka kubada cagta Yurub ee Uefa kaas oo xataa ka baajiyey ka qayb gallka ciyaartii Isniintii ee United kaga adkaatay Preston North End booskana kaga diyaarsatay FA Cup quarter-final ay ka hor tagayso kooxda Arsenal.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Lahm Oo Ka Walaacsan Xiddigaha Reer Brazil Ee Shakhtar

Markovic Oo 4 Ciyaarood La Ganaaxay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com