11:35 pm - Sunday July 23, 2017

Sir Culus : Jadwalkii Maanta Ee Isku Aadka Champions League Oo La Sii Hayay 3 Cisho Ka Hor

Aidarous

Champions League Isku AadXidhiidhka kubada cagta qaarada Yurub ee UEFA , ayay la soo deristay arintii ugu xumayd , kadib markii nin sheegay inuu shaqaalaha xidhiidhka kamid yahay uu baahiyey saddex cisho ka hor jadwalka isku aadka naadiyada Yurub ee “Champions League Draw” oo la mid ah kii ay maanta xidhiidhku  ku soo bandhigeen magaalada Nyon ee wadanka Swizerland .

19-kii bishan March , ayuu qof ku baahiyey barta bulshada ee Twitter  jadwalka isku aadka rubuc dhamaadka Horyaalka Champions League, kaas oo aan sina uga duwanayn kan xidhiidhka UEFA uu ku soo bandhigay xaruntooda Neon 22 kii Bishan March.

Ninkaas oo magaciisa qariyey , sheegtayna inu shaqaale ama hawl wadeen ka yahay UEFA , ayaa soo qoray in habka la isugu beego kooxaha Yurub uu yahay mid laga sii shaqeeyo oon ahayn habka bakhtiyaanasiibka ah ee ay soo bandhigaan maamulka xidhiidhkaasi,  waxaanu sheegay in la kala duwo kooxaha waaweyn si dhaqaale looga hello.

Sir Culus

“Jimcahan March 21 waxa lagu qaban doonaa Nyon (Switzerland),  “Isku aadka” Rubuc dhamaadka  UEFA Champions League.” ayuu ku qoray  19 kii Bishan , maalintii Arbacadii bogiisa Twitter ka oo uu ku qoran yahay (@FraudeUCL_  )

“Isku aadkaasi maaha mid bakhtiyaa nasiib ah ee waa mid wax la isdaba mariyey  waxaanan halkan idiinku soo gudbinayaa  sida ay isugu beegan yihiin kooxaha usoo gudbay 8 da. # ChampionsLeague .”

“Waxaan doonayaa inaan xogtan aduunka ugu baahiyo si xor ah , si loo ogaado musuq maasuqa baahsan ee masuuliyiinta UEFA u soo dhaqmayeen mudada dheer.”  ayuu ku qoray Bogiisa , sida ka muuqata sawirka.

“sababta aan u baahinayo ayaa waxay tahay , si uu u dhamaado nidaamka musuqa ku dhisan ee UEFA iyo Maamuleheeda Macheal Palatini, oo u nidaamiya isku aadka hab siyaasad iyo dhaqaale ku salaysan.”

Sida kaaga muuqata Sawirka  isku aadka uu ninkaasi baahiyey 19 kii bisha , Isku aadkii maanta (21 march ) ay UEFA soo bandhigtay oo sax ah weeye,  waana arrintan daboolka ka qaadaysa , wax isdaba marinta iyo musuqa baahsan ee ku jira jadwalada horyaalada aynu daawano , runtana u haysano , kaas oo aan ku koobnayn Champion ka ee xataa ay suurto gal tahay inay ka dhacdo koobka aduunka iyo horyaalada kale ee caalamkaba.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Robin van Persie Oo Dhaawac Ciyaaraha Uga Maqnaan Doona Mudo Lix Todobaad Ah

Kooxda Macag U Yaalka Noqotay Ee Arsenal Oo Lix Lagaga Badiyey Iyo Chelsea Oo Guuldaro Ku Calaamadaysay Kulankii 1000-aad Ee Wenger

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: