9:37 pm - Saturday July 22, 2017

Sir Mo Farah Oo Isagoo Xanuunsanaya Ka Qayb-galay Tartan Iyo Guul-darro Uu La Kulmay

Abdiwahab Ahmed

Sir Mo Farah ayaa uu sannadka cusub ee 2017 ugu bilaabmay guul-darro dhinaca orodka ah iyo guul barbar socotay oo beddeshay magaciisa oo ah in la siiyey magac sharafeedka SIR oo ay bixiso boqoradda waddank UK.

Sir Mo Farah ayaa guul-darro lama filaan ah kala kulmay tartanka orodka Great Edinburgh International oo laga qabto waddanka Ingiriiska, kaas oo kaalinta toddobaad uu ka galay.

Tartankan oo dhacay Sabtidii waxa kaalinta koowaad ku guuleystay Callum Hawkins u ordayey gobolka Hoolyrood Park, iyadoo uu orodyahankan guusha hantay tartankii Olympic-gii uu Mo Farah ku guuleystay uu kaalinta toddobaad galay.

Haddaba Mo Farah ayaa guul-darradiisa ku sababeeyey xanuun hayey iyo in uu ku dedaalay in aanu ka maqnaanin tartanka laakiin uu ka dhex muuqdo.

“Waan ka niyad jabsanahay inaan kaalinta toddobaad galo, laakiin si daacad ah haddii aan naftayda uga hadlo, toddobaadyadii ugu dambeeyey si fiican umaan tababaran.” Sidaas waxa yidhi Mo Farah oo warbaahinta la hadlay markii uu tartanku dhamaaday.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi: “Tartanka waan ka bixi lahaa oo waan iska joogi lahaa, laakiin waddankayga ayaan u ordayey. Mana aha inaan doonayey inaan halkaas galo, laakiin wali dagaal ayaan ku jiraa inkasta oo aan xanuun dareemayo.”

Mo Farah ayaa waxa uu tibaaxay in maalintii Ciidda Masiiga uu helay xanuun fayras ah oo uu wali la daalaa-dhacayo kasoo kabashadiisa, waxaana uu u hambalyeeyey Callum oo guusha qaatay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kala-sarraynta Gool-dhalinta Horyaalka Spain

FIFA Best Player: CADALOOL oo toos u baahin doonta Xafladda Caawa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: