3:16 pm - Friday January 20, 6873

Sirta Guulaha Chelsea Oo La Shaaciyey iyo U Diyaar-garowga Mananchester United

196 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Sirta Guulaha Chelsea Oo La Shaaciyey iyo U Diyaar-garowga Mananchester United

Chelsea

Sirta ka dambaysa guulaha Chelsea ka gaadhay horyaalka dalkeeda xili ciyaareedkan ayaa la soo  bandhigay, waxaana laga soo qaaday sawirro muujinaya tababar ka duwan kuwa ay kooxaha kale sameeyaan wakhti ay ku sugnaayeen qol u gaar ah tababarka.

Chelsea oo isku diyaarinaysa ciyaarta ay Sabtida garoonkeeda ku qaabili doonto Manchester United ayaa waxa laga qaaday muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta ciyaaraha, kuwaas oo muujiyey tababar culus oo jidh dhis ah oo ay sameeyaan ciyaartooyada Chelsea.

Tababare Jose Mourinho ayaan fursado ay ku nastaan siinin ciyaartooyadiisa, waxaanu u diray dhamaantood xarunta jidh dhiska ee kooxda, iyagoo loogu xidhay qalab qoraya qof walba inta jeer ee uu sameeyey tababarka.

chelsea Cuadrado

Eden Hazard, Nemanja Matic iyo Kurt Zouma ayaa wakhtigooda ku qaatay tababar culus oo ahaa in iyaga oo biro culus sida ay ordaan, xadhko caloosha kaga xidhan inay isku dayaan inay ordaan iyo waxyaabo kale.

Carlo Lalin oo ah ku-xigeenka tababaraha Chelsea ayaa waxa uu sheegay in tababarkan jidh dhiska ah ee ay kooxdiisu samaysay ay tahay mid ciyaartooyada ka caawinaya fayo-qabkooda iyo sidii ay ciyaar ahaan adkaysi ugu yeelan lahaayeen.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Liverpool: Digniin La Siiyey Sterling Iyo Ibe Kadib Shiishad Ay Cabbeen

Mourinho: Chelsea Waa La Nacay, Waayo Waa Lagu Caajisay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com