Sissoko Oo Ganaax Saddex Ciyaarood Ah La Marinayo Kadib Ogolaanshihii Tottenham Ee Dacwada

Moussa-Sissoko-

Ciyaaryahanka kooxda Tottenham ee Moussa Sissoko ayaa la ganaaxi doonaa saddex kulan suxulkii uu ku dhuftay laacibka Bournemouth ee Harry Arter darteed, taas oo macneheedu noqonayo inuu seegi doono kulanka derbiga woqooyiga London ee ay Arsenal is haleelayaan.

Laacibka reer France wuxuu aqbalay xeerka ciqaabta falalka xun xun – waxaanu ogolaaday inuu ku kacay dhacdada kulankii gool la’aanta barbaraha ah ku dhamaaday ee Sabtidii.

27 sano jir, Sissoko, raali gallin ayuu ka bixiyey, laakiin haddana wuxuu la kulmi doonaa ciqaab ay saaraan xidhiidhka kubbada cagta Ingiriisku. Kooxda Spurs ayaan racfaan ka qaadan doonin kiiskan iyo xukunkiisa.

Kulamada uu maqnaan doono ayaa waxaa kale oo ku jira, ciyaarta Salaasada ee horyaalka Yurub ay kooxdiisa isku haleelayaan Liverpool, iyo kulamada kale ee horyaalka ay la ciyaari doonaan kooxaha Leicester iyo Arsenal.

Xidhiidhka FA ayaa sheegay in falkani uu dhaafay kooxdii garsoorka ka ahayd ciyaarta oo aanay arkaynin.

“Waxaan doonayaa inaan sheego in suxulku uu ku dhacay wejiga Arter waana cadaan taasi oo wax mad- madow ahi kuma jiro,” sidaas waxa yidhi, tabobaraha naadiga Spurs – Mauricio Pochettino maalinimadii Isniinta.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Jose Mourinho: Conte “Manchester United Wuu Bahdilay”

Halyeygii Reer Brazil Carlos Alberto Oo Ku Geeriyooday Rio De Janeiro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com