Sixiroole u dhashay dalka Ghana oo sheegay inuu sixray Cristiano Ronaldo

Sixira  u dhashay dalka Ghana ayaa ku baaqay inaan laysku daalin dhaawaca Cristiano Ronaldo, isagoo yidhi waxaan sixray waqti hore si aanu  u ciyaarin koobka aduunka, laacibkan ayaa ilaa hadda dhaawacan, shaki weyn ayaana ku jira ka qeybgalkiisa koobka adduunka.

Wargeysta “Frist Sports” oo laga leeyahay dalka Ghana ayaa sixiraagani  u sheegay in isaga kaliya uu ogyahay dhaawaca Ronaldo, isagoo sii raaciyay aniga ayaa ku sameeyey .

Sixiraagan  ayaa warkiisa sii raaciyay waxaan kaalmeystay Meydadka afar  eey, kadibna waxaan ku guuleystay inaan la helo  Ronaldo sixirka nooca madow.

Waxaa kaloo sixirowgu sheegan inaan dhakhtar daweyn kara aanu jirin Ronaldo, mushkiladu dhaawaca maah ee waa sixir guuleystay. Ayuu yidhi.

Waxaa xusid mudan in xulka Portugal ku jiro guruubka Germany, USA iyo Ghana, waxaana wararka ka imaanaya tababarka Portugal ey sheegayaan in Cristiano Ronaldo qarka u saaranyahay inuu waayo ka qeybgalka koobka aduunka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zlatan Ibrahimovic: “Laacibkii ugu fiicnaa Ee aan arko waa Luiz Ronaldo”

Alex Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Milan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com