8:32 am - Saturday August 19, 2017

Snoop Dogg : Dempsey Waa Laacibka Kubada Cagta Aduunka

Aidarous

Fanaanka Maraykanka ah ee Snoop Dogg ayaa ku sifeeyey ciyaaryahanka xulka qaranka United States ee Clint Dempsey inuu yahay  “Ciyaaryahanka kubada cagta ee kaalinta No.1 aduunka ugu sita”.

Xidiga Heesaha Raabka ah ee dunidu wuxuu ku qanac san yahay oo taageere weyna u yahay ninka laga shaki qabo inuu ka hadho xulka uu la tagayo tababare Jurgen Klinsmann ciyaaraha koobka aduunka ee Brazil , kaas oo dhaawac la soo darsay uu shaki ku gedaamay xubinamadiisa xulka Maraykanka.

Snoop“Kor ugu dhawaaqa magaca Clint Dempsey, ciyaaryahanka No.1 ee xidiga kubada cagta aduunka, haa mudane, iyo dhamaan xulka qaranka Maraykanka,” ayuu Snoop Dog leeyahay isagoo ka soo dhex baxaya Muuqaal Video ah oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakada Instagram.

“Garabkiina ama nasiib wanaagsan kala kulma koobka aduunka – lana soo guryo noqda idinkoo sita.”

Ciyaaryahan Dempsey oo 31 jir ahi, waxaa si weyn loogu xasuustaa wacdarihii uu ka dhigay ciyaaraha aduunka ee sanadkii 2006 oo uu qaybna ka ahaa xayaysiisyadii ugu qiimaha badnaa ee sanadkaas la qaybiyey.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Goolwade Cesar Oo Qiray Kubada Sanadkan Lagu Ciyaarayo K-Aduunku Ay Ka Khatar Yar Tahay Tii Sanadkii Hore ee Jabulani

‘Nike’ Maaha ee Waa ‘Nikey’, Gudoomiye Shirkada Oo Soo Afjaray Dood Mudo Dheer Soo Socotay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: