Somaliland Oo Tartan Heer Caalami Ah Ka Qeyb-galaysa Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Ka War-bixiyay

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa sheegay in Somaliland ay ku guuleysatay markii ugu horeysay inay ka qeyb-gasho tartan kubadda cagta ah oo heer caalami ah, kaasi oo ka dhici doona wadanka Ingiriiska dhamaadka bishan.agaasimaha w ciyaaraha somaliland dhabeeye

Agaasimaha guud oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka war-bixiyey tartankan iyo qaabka Somaliland ay uga qeyb-galayso, waxaana uu yidhi “ Waxaan maanta aan halkan iskugu kiin yeedhay inaan ka war-bixiyo tartan heer caalami ah oo Somaliland markii ugu horeysay ay ka qeyb-gali doonto tartan kubadda cagta ah oo ka qabsoomaya dalka Ingiriiska, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan ilaa labaataneeyo kooxood oo wadamada Afrikanka ah u badan magaciisana la yidhaahdo African Nations Cup ujeedadiisuna tahay dadyawga adduunka iyo qoomiyadaha la isku dhex-galiyo oo lagula dagaalamo midab takoorka iyo cunsuriyada. Waxaana arrintaas dagaal weyn ka galay dhallinyaro reer Somaliland ah oo degan dalka Ingiriiska oo uu ugu horeeyo wakiilka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dalka UK Jaamac Olol iyo Asxaabtiisa”.

Agaasime Dhabeeye ayaa sidoo kale sheegay wadamada Somaliland ay isku Group-ka yihiin “Isku aadka tartankan oo maalintii Jimcihii lagu sameeyay garoonka weyn ee Wembley Stadium, iyada oo laga sii daayay Telefishano caalami ah oo uu ka mid yahay Sky Sportd Tv waxaana halkaas ka muuqata in Somaliland ka qeyb-gasho tartan heer caalami ah oo kubadda cagta ah oo markii ugu horeysay dadka reer Somaliland iyo calankoodaba laga dhex arko dalal kale oo waa weyn oo adduunka ka mid ah. Waxaana Somaliland ay la Group tahay wadamada Nigeria, Kenya, Brundi iyo Rwanda. Waana 20 kooxood oo afar group ah, waxaana tartankaasi uu bilaabmi doona 30-ka bishan” ayuu yidhi.

Ugu dambeyntii Agaasimaha guud ayaa u mahad-naqay dhallinyarta reer Somaliland ee ku guuleystay in tartankan Somaliland ka qeyb-gasho, ka wasaarad ahaana ay la garab taagan yihiin hiil iyo hooba “Waxaan u mahad-naqaya una hambalyeynayaa dhallinyarada reer Somaliland ee ku nool wadanka UK ee dedaalkaas samaysay, mana aha markii ugu horeysay ee Jaamac Olol iyo kooxdiisu ay sameeyaan waxaa jiray dedaalo hore oo fara badan oo ay isku dayeen oo ay ka mid tahay inay culeys saareen xidhiidhada kala duwan ee adduunka, sida xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA wadamada kale ee Yurub-na iyo dalal kale oo badana qadiyada iyo Sports-ka Somaliland ay gaadhsiiyeen, waanu ku hambalyeynaynaa dedaalkaas ay muujiyeen ka wasaarad ahaana waxaanu ballan-qaadayna in wixii guubaabo iyo garab-gal ahba inaanu diyaarin doono wixii nagaga soo gudboonaado, waayo waa guul weyn in markii ugu horeysay in calanka Somaliland laga taago garoonka weyn ee Wembley, waxaana faraya bulshada reer Somaliland ee ku nool UK inay taageero la garab istaagaan oo ay ka qeyb-galaan kulamada ay ciyaarayaan” ayuu ku soo gunnaanaday Agaasime Dhabeeye hadalkiisi.

Ka qeyb-galka tartankan ee Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn looga hadal hayay barraha bulshadu ku xidhiidho taas oo dadyaw badani u dhag-taagayeen inay xukuumada Somaliland ka hadasho. Ciyaartoyda metali doonta Somaliland ee tartanka ka qeyb-gali doonta ayaa noqon doona ciyaartoyda qurba-joogta ah ee ku sugan wadanka UK.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Liverpool Oo Caddaadis Saartay City – Kadib Guusha Ay Ka Gaadhay Newcastle United

QPR Oo Garoomada Ka Mamnuucaysa Taageerayaashii Shiidey Chelsea

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com