Maxa Sabab Ah Inay Ciyaaryahanadu Dalka Intooda Badan Koox Ku Dhamaystaan Waayahooda Ciyaareed,Maxa Se Keenay In Kooxuhu Si Toos Ah U Kala Iibsan Ciyaaryahanada?

Iyadoo aynu la wado socono in Ciyaaraha kala duwan ee Caalamka leeyihiin shuruuc, sharciyo iyo xeerar u gaar ah, oo waliba Wadamada kale ee Caalamkuna sharcigaas ku dhaqmaan, ayaa  waxa xusid mudan in Wadanka Somaliland oo aan wali aqoonsi caalamiya ka helin Beesha Caalamka, ayaa haddana caqabado badan ha iska jiraane  sharciga iyo nidaamka Ciyaaraha ee Caalamka in badan ayaa Somaliland ka hirgalay.

Haddaba waxa laga war qabaa oo la wada ogsoon yahay in dhawaan xidhiidhka kubada cagta Somaliland uu soo saaray sharci cusub oo ku saabsan in heshiiyo mucayin ah ay kooxuhu la galaan Ciyaaryahanada iyo Tababarayaasha, iyadoo loo baahan yahay sharcigan cusub, haddana ma la odhan karaa wuu hirgalayaa, madaama ay qabado badan ay ku gadaaman yihiin xaalada ciyaareed ee dalka, waxaana caqabadahan ka mid ah

1-Ilaa hadda ma jiraan ama may dhicin Ciyaaryahano kooxaha ay ka tirsan yihiin heshiis rasmiya  la galay.

2-Ma jiraan heshiis mucayin ah oo kooxuhu ka saxeexdeen heshiisyo Ciyaaryahanada ka tirsan.

3-Ma jiraan Ciyaaryahano kooxuhu si toos ah u kala iibsadeen

4-Dhammaan Ciyaaryahanada kooxuhu waa isku wada mushahar, oo mushahar kala duwan ma qaatan

5-Dhamaan kooxaha heerka kowaad ee Caasimaddu waa kooxo ay Xukuumaddu leedahay, ama ha u ciyaaraan Wasaaraddaha, Dawladda hoose Hargeysa ama Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Qaranka, mana jiraan kooxo ay leeyihiin Shirkado ama cid gaar ahi.

6-Ma jiraan Sharci ilaa hadda xakaymaynaya Ciyaaryahanada ama Tababarayaasha.

7-Ilaa hadda ma jiraan Horyaalo ama Tartano joogto ah oo kooxo iyo Ciyaaryahanadu ku mashquulaan.

8-In badan Ciyaaryahanadu waxay waayahooda ciyaareed ku dhammaystaan kooxaha ay xirfadooda ciyaareed ka soo bilaabeen, aadna wey u yar tahay Ciyaaryahanada laba kooxood ka wada ciyaaray

9-Tababarayaasha kooxaha tababara, iyana heshiis rasmiya oo ay kula jiraan kooxahooda ma jiraan, inkasta oo ay muddo dheer joogaan, oo aanay ka tagin inta ay ku jiraan xirfadooda ciyaareed

10-Ciyaaryahanadu ama  kooxuhu ma helaan heshiisyo Caalamiya, ama aad bay u yar tahay kooxo ka ciyaarta Caalamka ama Wadamada jaarku inay soo dalbadaan Ciyaaryahanada dalka, si uu ugu ciyaaran, heshiisna ula galaan.

Sidaas oo ay tahay iyadoo la odhan karo qodobadan sare ku xusan waxay caqabad ku noqon karaan sharcigan cusub ee uu Xidhiidhka Kubada Cagtu ku soo rogay Kooxaha, Tababarayaasha iyo Ciyaaryahanada, haddana sida uu Xidhiidhku uga dadaalo ama uga saari karo ayey ku xidhan tahay.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika Ee Ciyaaraha