Ciyaaraha Olombikadda Adduunka Naafadda ayaa 7-da bishan Sebtember ka bilaaban doona magaaladda Rio de Janiero ee dalka Brazil, waxaana sannadkan markii ugu horeysay taariikhda ka qeyb qaadan doona dalka Soomaaliya.

Dufcadda 23-aad ee ciyaaraha Naafadda Olombikadda Adduunka ayaa ka kooban 528 waqcadood oo qaadan doona 11 maalmood, kuwaas oo lagu bixin doono 225 billadood oo Haweenka ah, 265 Ragga ah iyo 38 billadood oo isku dhaf ah.

Waxaana sannnadkan Soomaaliya ciyaarahan ku metalaya Farhan Hadafow, oo ah wiil 19-sanno jir ah, iyadoo ay Soomaaliya masraxa ka soo muuqan doonto 8-da bishan, waxaana uu Farxaan tartami doono 5:30 galabnimo xilliga saacadda Geeska Afrika.

Xafladda furitaanka ayaa qabsoomi doonta 7-da bishan September, saacadda maxalliga ah ee Muqdisho marka ay abbaarayso 2-da saq dhexe.

som2

som1