Southampton oo Shaqada Ka Eriday Tababare Pellegrino

Kooxda kubadda cagta Southampton ayaa shaqadii ka caydhisay tababare Mauricio Pellegrino kaddib markii ay kooxdu u daaddegtay kaalinta 16-aad ee horyaalka Premier League.

Saints ayaa shaacisay in Pellegrino uu shaqadiisa waayey kaddib bandhig ciyaareed liita oo horyaalka ah, taas oo 17-kii ciyaarood ee u dambeeyey guuleysatay hal kulan oo kaliya.

Pellegrino oo ay da’diisu tahay 46 jir ayaa ay Southampton u aragtay in aanu naadiga ka badbaadin karaynin inay u daaddegto heerka labaad, iyadoo 8 ciyaarood oo kaliya ay ka hadhsan yihiin xili ciyaareedka.

Kulankii ugu dambeeyey ee uu hoggaamiyo Southampton waxa uu dhacay Sabtidii markaas oo guul-darro aanay marnaba meesha soo dhiganin ay ku darsatay liiska khasaaraha faraha badan ee sannadkan ay kaydsatay.

Pellegrino oo bishii June loo dhiibay xilka macallinimada Southampton ayaa waxa uu beddelay Claude Puel oo wakhtigaas xilka laga caydhiyey, hase yeeshee, kulanka Sabtida ee FA Cup ayaa ay ciyaartooyada iyo taageereyaashuba la kowsan doonaan macallin cusub oo rajo hor leh geliya, waxaanay la ciyaari doonaan Wigan oo heerarka hoose ka ciyaarta.

Southampton waxay ku dedaalaysaa inay kasii mid ahaato kooxaha heerka koowaad oo sannadkii lixaad oo xidhiidh ah ay ka mid tahay.

Southampton waxa kale oo ay shaqada ka eriday tababare xigeenkii oo lagu magacaabi jiray Carlos Compagnucci iyo Xavier Tamarit oo gacan-yare usii ahaa.

Kulamada u hadhay horyaalka
31 March: West Ham (Marti)28 April: Bournemouth (Hoygeeda)
9 April: Arsenal (Marti)5 May: Everton (Marti)
14 April: Chelsea (Hoygeeda)13 May: Manchester City (Hoygeeda)
21 April: Leicester (Marti)TBC: Swansea (Marti)
Bandhigga macallimiintii 6-dii sannadood ee ay heerka koowaad ku jirtay
KulamadaGuulBarbaroKhasareCelceliska GuushaDhibcoCelceliska dhibcaha kulan walba
Ronald Koeman7636152547.41231.62
Glenn Hoddle4518111640651.44
Mauricio Pochettino5419181735.2751.39
Paul Sturrock1352638.5171.31
Gordon Strachan9331293333.31221.31
Alan Ball5918221930.5761.29
Claude Puel3812101631.6461.21
Dave Jones9831194831.61121.14
Graeme Souness3810111726.3411.08
Ian Branfoot6618143427.3681.03
Nigel Adkins22571022.7221.00
David Merrington389111823.7381.00
Pellegrino305131216.7280.93
Harry Redknapp22481018.2200.91
Steve Wigley141677.190.64