Muuqaalo – Spain Oo Ka Hadhay Koobka Aduunka

Xulkii haystay koob aduunkii ugu dambeeyey 2010 ee Spain ayaa si fuul xun uga hadhay ciyaaraha koobka aduunka ee ka socda wadanka Brazil , kadib markii xulka Chile kaga badiyey 2-0.

Garoonka Maracana ee ciyaarta ugu dambaysa koobka aduunkuna  ka dhacayso, ayaa  masiibo ka qabsatay xulka Spain, guuldaradii labaadna ku qabsatay.

Spain oo ciyaartii horena ay Holland kaga adkaatay 5 1  ayaa u baahnayd inay hesho saddex dhibcood ama ugu yaraan barbar dhac si ay ugu sii jirto ciyaaraha koobka aduunka , rajana usii lahaato , laakiin taasi waxaa meesha ka saaray goolashii labada ahaa ee ay xulka Chile u kala saxeexeen xidigeheeda Eduardo Vargas iyo Charles Aranguiz , qaybtii hore ee ciyaarta.

Wallow isbedel weyni ka muuqday qaybtii dambe xulka Spain , hadana taasi ma noqon mid wax yeesha xidigaha reer Latin America waxaanay ciyaartii ku dhamaatay 2-0  , sidaasna waxaa Tikidhkii guryo noqoshada ku goostay xulalka labada ah ee Spain iyo Australia oo iyadana fiidkii ay ka badisay Holland, kuwaas ayaana noqonaya labadii xul ee ugu horeeyey ee ka hadha tartanka koobka aduunka sanadkan 2014.

article-2661724-1EE5A07C00000578-123_634x409 article-2661724-1EE5A25000000578-231_634x444 article-2661724-1EE5A42100000578-357_634x417 article-2661724-1EE5A84300000578-610_634x411 article-2661724-1EE5BDF500000578-156_634x438 article-2661724-1EE5BE4800000578-871_634x431 article-2661724-1EE5C3CF00000578-848_634x416 article-2661724-1EE5C3EF00000578-229_634x422 article-2661724-1EE55D0900000578-10_634x348 article-2661724-1EE56A5E00000578-58_634x424 article-2661724-1EE56AE300000578-769_634x369 article-2661724-1EE56D7B00000578-116_634x429 article-2661724-1EE59DFD00000578-814_634x422 article-2661724-1EE59EB400000578-329_634x296 article-2661724-1EE550DF00000578-227_634x437 article-2661724-1EE573C300000578-826_634x367 article-2661724-1EE577B400000578-38_634x422 article-2661724-1EE5461900000578-775_634x387 article-2661724-1EE5731500000578-748_634x421 article-2661724-1EE5732500000578-953_634x422 article-2661724-1EE5749600000578-269_634x404 article-2661724-1EE5763700000578-510_634x355

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Australia 2-3 Netherlands: Van Persie Iyo Robben Oo Rajadii Australia Mugdi Galliyey

Wareegto : Brazil Sanadkii 1966, France 2002, Italy 2010… maantana Spain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com