Spartak Moscow Oo Cunsuriyad Iyo Fawdo Darteed Ganaax £8,500 Ah La Saaray

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Ruushka ayaa kooxda Spartak Moscow dusha ka saaray ganaax lacageed oo dhan £8,500 kadib markii taageerayaasheedu boodhadh weedho cunsuriyad xambaarsan iyo qalallaase xoog leh ka abuureen ciyaar horyaalka wadankaas ku tirsanayd oo dhex maraysay kooxda Arsenal Tula bishan dhexdeedii._82319935_russian_football_2_nika

Kulanka oo ay 1-0 guushu ku raacday kooxda Tula, ayaa ka socon weyday qas iyo jahwareer isku dhac taageerayaasha ah, iyadoo ay taageerayaasha Spartak ka soo daateen xayndaabkii Geggida isla markaana la is dhex baacsaday garoonka dhex diisa.

Naadiga ayaa lagu ganaaxay boodhkii qoraaladu ku qornaayeen, waxaanu xidhiidhku yidhi : “Kadib muuqaalkii qoraalka ahaa ee ay taageerayaashoodu soo bandhigeen garoonkana la soo galleen, kaas oo xambaarsanaa astaamo cunsuriyadeed, ayaa Spartak ganaaxa ku mutaysatay.spartak-007

“Kooxda waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay wax taageerayaal ah la tagto labada ciyaarood ee ay garoonka dibadiisa ku leedahay ee soo socda ee horyaalka Ruushka.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sterling oo markale la soo bandhigay sawiro uu shiishad dhuuqayo waxa markan ku weheliya Jordon Ibe

Atletico Madrid Oo Aflagaadeysay Garsoorihii Dhexdhexaadiyey Kulankii Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com