Sterling: Ma Ihi 20 Jir Adduunyo Daba Ordaya

Raheem Sterling ayaa gaashaanka ku dhuftay warar soo baxay oo ku sifeeyey inuu yahay qof lacagta ka dambeeya oo hunguri qaado, kadib markii uu diiday dhawr heshiis oo ay Liverpool u soo bandhigtay.Raheem Sterling 1

Wallow ay dhicisoobeen wadahadalo marar kala duwan kooxdu ku doonaysay inuu ciyaaryahanku ku kordhiyo heshiiskiisa , kaas oo dhacaya xagaaga 2017 ka, hadana wuxuu ciyaaryahanku hoosta ka xariiqay inuu laalay oo ka gows adaygay ilaa lix dalab oo mushahar qiimo fiican ah loo saaray miiska.Raheem Sterling 2

Waxay ahayd uun bishii aynu ka soo gudubnay markii shabakada Goal ay sheegtay inay heshay xogo tilmaamaya in Liverpool baadi goob ugu jirto cidii ay ku bedeli lahayd Sterling – soona bandhigtay liis ciyaaryahano ah oo naadiga si sir ah looga hellay, kuwaas oo uu ku jiray xidiga kooxda Arsenal ee Theo Walcott.

Laakiin waraysi uu siiyey idaacada BBC qaybteeda ciyaaraha, Sterling wuxuu ku sheegay inuu wakhti fiican kula jiro kooxdiisa horumar wanaagsana uu samaynayo isla markaana uu kor u qaadista xirfadiisa ka doorbido hanti raadinta.

“Ma doonayo in la igu sunto inaan ahay 20 jir aduun caydhsanaya,” ayuu ku yidhi waraysiga. “Waxaan jecelahay in la ii arko inaan ahay wiil yar oo jecel ciyaarista kubada cagta.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

War Degdeg Ah: Alaba Oo Laba Bilood Ciyaaraha Ka Maqnaan Doona

Gomez: Barcelona igama duufsan karto Fiorentina

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com