Sterling not heading to Real or Barca: Barne Oo U Digay Sterling

Gerard oo weeray Mario 2

John Barnes ayaa uga digay Rameem Sterling in uu ka tago kooxdiisa oo uu ku biiro mid ka mid ah labada kooxood ee reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.

Barnes waxa uu sheegay in haddii uu Raheem go’aansado in uu ka tago kooxdiisa in ay kubaddiisa cagta u dhamaan doonto, isla markaana uu lumi doono qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee soo kobcaya.

Laacibkan caalamiga ah ee xulka qaranka England ayaa waxa wada hadallo heshiis kordhin ah kula jiraa kooxdiisa, waxaana la filayaa in uu saxeexo qandaraas cusub oo uu kooxda ku sii joogo marka uu dhaco heshiiskiisa hadda oo ku dhamaanaya sannadka 2017.

“Haddii aan ahaan lahaa Raheem Sterling waxa aan sii joogi lahaa Liverpool saddexda sannadood ee soo socota, sababtoo ah waxa aan arkay ciyaartooyo badan oo da’yar oo wax badan u sameeyey wakiilladooda oo lacag badan loogu baaqay, kadibna u cararay kooxaha waaweyn. Dabcan Liverpool waa naadi weyn laakiin isku dayga ku biiritaanka Real Madrid ama koox kasta oo kale halis bay kugu noqonaysaa dhaawacda ciyaartaa, tusaaleyaal bandanna waan ku siin karaa. Sida Jack Rodwell oo wakhti hore tegay Manchester City iyo laacibka reer Scotland ee Sinclair oo isna tegay Man City” sidaas ayuu yidhi Barnes.

Waxa uu u soo jeediiyey ciyaartoygan da’da yar in uu ixtiraamo kooxdiisa oo uu muddo sii joogo taas oo isagana ka caawinaysa in uu caqli ahaan, jidh ahaan iyo mihnad ahaanba u koro.

“Ciyaartooyada yaryar waxa aan ku waaninayaa in aanay degdegin, kooxahoodana ay sii joogaan illaa da’da 23 ama 24 jirka. Anigu Liverpool waxa aan tegay anigoo 23 jir ah anigoo xilligaas ciyaaray 35 ciyaarood oo xulka qaranka ah.

“Haddii uu Raheem Sterling tago Real Madrid ma ciyaari doono toddobaad walba, waxa la saari doonaa cadaadis badan waayo waxa laga rabaa ciyaar u qalanta £50 million ee lagu iibsanayo.” Ayuu ku daray.

Waxa kale oo uu Barnes u soo jeediyey laacibka Everton ee Ross Barkley in uu kooxdiisa sii joogo ugu yaraan saddex ama afar sannadood oo kale.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Messi’s Down Fall: Messi oo qirtay Hoos U Dhac Ciyaareed

Modric iyo Coentrão Oo Ku Soo Laabtay Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com